Ujeedka Kulan Loo Qabtay Agaasimeyaasha Guud Ee Wasaaradaha iyo Guddoomiyeyaasha Hay’addaha Madaxa Bannaan 

0
1279

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa furay kulan lagu falanqaynayey doorka agaasimeyaasha guud iyo guddoomiyeyaasha hay’adaha madaxa bannaan ka qaadankaraan dhanka dakhli ururinta.

Kulankaas oo ujeedadiisu ahayd in agaasimeyaasha guud iyo guddoomiyeyaasha hay’adaha madaxa bannaan ee dawladdu door muhiim ah ka qaataan in ay canshuurta ku waajibtay ay ka reebaan mashaariicda horumarineed ee ay qaadhaan bixiyeyaashu ka hirgelinayaan dalka, isla markaana ay xilweyn isaga saari lahaayeen canshuuraha kala duwan ee ku waajibay hay’adaha iyo shaqaalaha ee uu xeerku jideeyey.

Agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Axmed Cabdi Gurxan oo kulankaas hadal ka jeediyey ayaa sheegay in kulankaasi daaran yahay doorka iyo waajibaadka sharciga maaliyaddu uu saaray gacansiintooda agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha iyo guddoomiyeyaasha hay’adaha madax bannaan ee dhinaca dakhli ururinta.

Waxa kale, oo halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda maailyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo tilmaamay muhiimadda uu kulnkaasi u leeyahay wasaaradda maaaliyadda, isaga oo intaas ku daray in ay ugu muhiimsan tahay sidii hay’adaha dawladdu iskaga kaashan lahaayeen dakhli ururinta si loo soo xareeyo miisaaniyaada qaranka.

Waxa kale, oo uu wasiir Sacad Cali Shire, xusay in layska kaashado si loo ogaado canshuuraha dawladda ka maqan ee soo maraya hay’adaha dawladda, wuxuuna ka codsaday agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha iyo guddoomiyeyaasha hay’adaha madax bannaan in ay kaalintooda ka qaataan dakhli ururinta isla markaana wada shaqqeyn dhaw ka yeeshaan sidii qorsheyaashaas looga midho dhalin lahaa.

LEAVE A REPLY