Ugaaska Guud Ee Beelaha Ciise Oo Lagu Soo Dhaweeyay Hargaysa

0
617

Hargaysa (HP): Ugaaska guud ee beelaha Ciise ugaas Mustafe ugaas Ibraahim, iyo wefti uu hogaaminayo oo booqasho ku jooga Somaliland ayaa maanta casuumad hadhimo sharafeed ah loogu sameeyay magaaladda Hargaysa.

Casuumadaasi hadhimo sharafeedka ah waxaa ugaaska beelaha Ciise ku maamuusay suldaan Maxamed suldaan Axmed, oo ka mid ah madaxda dhaqanka ee reer Somaliland.

Waxaana munaasibadaasi hadhimo sharafeedka ahayd ka soo qayb galay xubno ka mid ah golaha wasiirradda Somaliland, agaasimeyaal guud, masuuliyiin kaloo ka tirsan xukuumadda, iyo qaar badan oo ka  mid ah madax dhaqameedka Somaliland.

Suldaan Maxamed suldaan Axmed, oo isagu casuumadda u fidiyay ugaaska beelaha Ciise oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyaya madax dhaqameedkii kala duwanaa iyo masuuliyiintii xukuumadda ee kala qayb qaatay soo dhawaynta weftiga ugaaska Ciise.

Geesta kale ugaaska guud ee beelaha Ciise ugaas Mustafe ugaas Ibraahim, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa guud ahaanba dadkii soo dhaweeyay uga mahad celiyay sida aan kala hadhka lahayn ee ay u soo dhaweeyeen.

Dhinaca kale waxaa xafladaasi hadallo ka jeediyay xubno ka mid ah madax dhaqameedkii ka soo qayb galay oo si isku mid ah ugaaska beelaha Ciise ugu soo dhaweeyay Somaliland.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY