UCID Iyo WADDANI oo Soo Magacaabaya Xubnaha Ku Matalaya Komiishanka Cusub Ee Doorashada

0
700

Hargeisa (Hargeisa Press) – Labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID ayaa Maanta isla gaadhay in Xisbi walba uu Magacaabo Xubintii ku mattali lahayd Komiishanka cusub ee doorashooyinka, kaasi oo tiradiisu tahay 7 Xubnood.

Sidaana lagu sheegay War Qoraal oo ka soo baxay Xisbiyada WADDANI iyo UCID, ka dib Kulan ay Hargeysa ku yeesheen Hoggaanka Labada Xisbi.

Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradku waxay Madaxweynaha iyo Xukuumadda u soo jeediyeen inay ka shaqeeyaan sidii loo dardar-gelin lahaa hawlaha suurto-gelinaya Qabsoomidda Doorashooyinka Wakiillada iyo deegaannada oo isku sidkan.

Halkan Hoose ka Akhriso Warka ka soo baxay UCID iyo WADDANI

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY