Wefti Uu Hogaaminayo Saylici Oo Safar Ugu Baxay Imaaraadka Carrabta

0
397

Hargaysa (HP): Wefti uu hogaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta u anba-baxay dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta oo ay kaga qayb gelayaan shir caalami ah.
Weftigaasi uu hogaamnayo madaxweyne ku-xigeenku waxaa ka mid hawl-wadeenadda xafiiskiisa, iyo xildhibaanno Saleebaan Maxamed Faarax (Goox), oo ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland.
U jeedadda safarka weftigan uu hogaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa la xidhiidha sidii ay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carrabta ugaga qayb geli lahaayeen shir caalamiya oo ku saabsan maalgashiga iyo ganacsiga adduunyadda.
Waxaana shirkaasi ka qayb geli doona wufuud kala duwan oo isaga kala imanaya wadamo badan oo adduunka daafihiisa ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin maalqabeenno u dhashay dalka Ruushka, wadamadda Yurub, iyo Khaliijka Carrabta.

Sida uu warbaahinta u sheegay xildhibaanno Saleebaan Maxamed Faarax (Goox), oo ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland oo ka hor intii aanay weftigoodu ka dhoofin garroonka diyaaradaha Hargaysa warbaahinta la hadlay.
Geesta kale xildhibaan Goox, waxa uu sheegay in ka qayb galka shirkaasi ee Somaliland markii hore lagu soo casuumay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, inuu isagu ka qayb gallo shirkaasi.
Hase yeeshee isagu u igmaday in madaxweyne ku-xigeenka Somaliland uu ka qayb gallo shirkaasi, kuna metello Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here