U Jeedadda Wefti Ka Socda Itoobiya Oo Hargaysa Yimid

0
383

Hargaysa (HP): Wefti culus oo ka socda ciidamadda dawladda federaalka Ethiopia ayaa maanta soo gaadhay caasimadda Somaliland ee Hargaysa.
Waxaana weftigan saraakiisha Itoobiyaanka ah hoogaminaya Hoogaanka Wardoonka Ciidamada Heer Faderaal ee dalka Itoobiya General Burhanu kabadha, iyo sarakiil kale oo sare.


Madaarka Hargeysa waxa si heer sare ah waftigan ugu soo dhaweeyay Abaandulaha Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale, Hooganka Hawlgelinta ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Cabdi Cabdilaahi Xasan Hooganka Xidhiidhka dibada ee ciidanka Qaranka Somaliland.
Weftigan ayaa hawlo shaqo Somaliland u soo gaadhay waxayna la kulmi doonan Taliyaha Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaacil Taani.

Xafiiska warbaahinta Ciidanka Qaranka JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here