U Jeedadda Shir ONLF Uga Socdo Magaaladda Goday

0
729

Goday (Hargeisa Press): Waxaa magaaladda Goday ee caasimadda gobolka Shabeele ee dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya  ka soconaya shirweyne aan caadiga ahayn oo ay ku leeyihiin jabhadda ONLF.

Shirweynahan ONLF oo aad isha loogu hayo ayaa ku soo beegmaya xili ay dalka Itoobiya ka dhacayaan isbedelo xoogan, iyadoo lagu waddo in sanadka soo socda ay doorasho dalkaasi ka dhacdo.

Hadaba waa maxay ajendaha shirkaasi iyo waxa laga filayo in uu ka soo baxo, waxaa ka warmaya C/qaadir Hirmooge (Cadaani), oo ah af-hayeenka jabhadda ONLF.

Waxaanu yidhi, “U Jeedadda shirweynuhu waxa weeye, shirweyne aan caadi ahayn, oo ururka hawlihiisa lagu balaadhinayo. Dhamaanba degaamadda, u jeedadda shirku waa sidaa”.

Jabhadda ONLF oo muddo dheer dagaal hubaysan kula jirtay dawladda Itoobiya ayaa hubka dhigtay kadib markii  isbedelka siyaasadeed ka dhacay dalkaasi.

Waxanay ku tilmaamaan dagaalkooda halgan lagu xoraynayo dhulka Soomaalida Itoobiya oo ay sheegaan in ay Itoobiya gumaysato.

Hase yeeshee sida magacoodaba ka muuqata ma aha jabhad ay u dhan yihiin ama qayb ka wada yihiin dhamaanba beelaha Soomaalida ee Itoobiya dega.

Hadaba malaga yaabaa in shirweynahan Goday ka socda wax lagaga bedelo mabaadii’adda ururka iyo magacaba.

Cadaani Hirmooge, ayaa  su’aashaas la waydiiyay waxaanu kaga jawaabay, “Istaraatijiyad cusub waan qaadanaynaa. Laakiin, anaga mabaadii’dayadda ayaa ku dhisan in aan dad Soomaaliya nahay, dulman nahay, aaye ka talin doonayno, ismaamul doonayno, xoriyad doonayno, nolol doonayno.

Istaraatijiyadda iyo magacuba waxay u yaalaan shirweynaha, oo awood u leh sidiisaba”ayuu yidhi Cadaani, oo maanta u waramay BBC isagoo ku sugan magaaladda Goday.

Geesta kale  maadaama oo sanadka soo socda la filayo in doorashooyin ay ka dhacaan dalka Itoobiya,   ma laga yaabaa in ONLF ay wax ka bedel ku samayso hogaanka ururka ka hor inta aan doorashadda la gaadhin.

Arrintaasi waxaa ka hadlay af-hayeenka ONLF, waxaanu yidhi “Ragg cusub waan soo wadnaa, dhiig cusub waan soo wadnaa.

Halgameyaashii qaaliga ahaa, ee shacbiga u soo halgamay, ee u soo dagaalamay. Dhiig cusub, wejiyo cusub iyo dhalinyaro cusub iyo xoog cusubna way imanayaan.

Dhinaca kale jabhadda ONLF ayaa beryahan danbe lagu eedeeyaa in ay si aada ugu milantay xisbiga dimoqraadiga Itoobiya, isla markaana ay isticmaalaan xafiisyadiisa oo shirar ku qabsadaan iyo gaadiidkiisaba.

Taasoo ay dad badani u arkaan in ururku yahay mid uu gacanta ku haya xisbiga dimoqraadiga Itoobiya, balse af-hayeenka ONLF ayaa arrintaasi deedifeeyay.

Waxaanu yidhi  “Sumuni xisbi leeyahay maanaan isticmaalin. Hantidan ummada Soomaaliyeed baa iska leh.

Ismaamulka Soomaalida ayaa iska leh, Soomaalida Ogaadeeniya ayaa iska leh. Waa hantidayadii oo inteedii badnayd ay naga maqan tahay, waana xaq.

Xibiga-na anagu hal shillin ma waydiisanaynyo, mana laha gaadiidka, guryaha, dhaqaalaha iyo waxyaabaha kale-ba, ummada Soomaaliyeed baa iska leh, balse ma leh xisbigu, martina uma nihin”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here