U Jeedadda Kulan Dhexmaray Wasiirka Warfaafinta Somaliland iyo Hogaanka SOLJA

0
670

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa maanta kulan la yeeshay hogaanka ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Kulankaasi ayaa u jeedadiisa lagu sheegay sidii ay iskula jaan-qaadi lahaayeen qorsheyaasha ururka SOLJA iyo kuwa wasaaradda warfaafinta Somaliland, maadaama oo ay qaranka masuul uga tahay arrimaha saxaafadda.

Si ay mustaqbalka meel uga duulaan wasaaradda warfaafinta iyo ururka suxufiyiinta ee SOLJA, Maadaama oo qorshaha guud ee qaranku uu cid walba ka sareeyo, cid walbana uu metelo.

Kulankaasi oo warbaahinta dib joog ka ahayd ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta si wada jira ula hadlay wasiirka warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore, iyo guddoomiyaha ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto).

Wasiirka warfaafinta Saleebaan Cali Koore, ayaa tilmaamay in kulankaasi ay kaga wada hadleen sidii wada jir ay uga wada shaqayn lahaayeen SOLJA iyo wasaaradda warfaafintu kobcinta saxaafadda gaarka loo leeyahay iyo ta qarankaba.

Sidoo kale kulankaasi ayay labadda dhinac iskula soo qaadeen sidii wada jir ay uga wada shaqayn lahaayeen wax-ka-bedelka lagu samaynayo xeerka saxaafadda Somaliland ee xeer LN. 27/2004.

“In aanu ka wada shaqayno sidii warbaahinta dawliga ah iyo ta gaarka loo leeyahay-ba, loo korin lahaa, in aanu si wada jira uga wada shaqayno.

In aanu xeerka saxaafadda Somaliland ee hadda wax-ka-bedelka iyo dib-u-eegista lagu samaynayo, in aanu isla eegno, ayaanu isla qaadanay, oo haddii ay jiraan meello u baahan dib u eegis in la isla eego, lagana wada shaqeeyo.

Dabadeed-na si guud loogu wada gudbiyo meelaha ay khusayso. Si fiican ayaanu arrintaa iskula meel dhignay”ayuu yidhi wasiirka warfaafintu.

Wasiir Koore, waxa kaloo uu sheegay in loo baahan yahay sidii ay iskula jaan-qaadi lahaayeen wasaaradda warfaafinta iyo saxaafadda gaarka loo leeyahay.

Waxaanu yidhi, “Waxaanu rabnaa guud ahaan saxaafadda iyo wasaaradda warfaafintu in ay isla jaan-qaadaan.

Iyadoo ay aasaas u tahay, in xuquuqda muwaaidnka-na reer Somaliland-na la ilaaliyo iyo in xuquuqda saxafiga muwaadinka ahna la ilaaliyo, oo ay noqoto mid labadda dhinac-ba ilaashan”.

Geesta kale guddoomiyaha ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in iyagu urur ahaan ay casuumadda kulan u fidiyeen wasiirka warfaafinta iyo ku-xigeenkiisa, si ay isku qorshe uga noqdaan baahiyaha iyo shuruucda saxaafadda.

Waxaanu yidhi, “U jeedadda kulankaasi waxay ahayd, sidii qorsheyaasha ururku leeyahay iyo qorsheyaasha uu qaranku leeyahay, oo ay iyagu metelaan aanu iskula weelayn lahayn, meelna iskula wada dhigi lahayn, isuguna duba ridi lahayn.

Si aanu mustaqbalka meel uga duulno. Maadaama oo qorshaha guud ee qaranku cid walba ka sareeyo, oo uu cid walba metelo.

Waxaanu isla qaadanay in qorsheyaasha wasaaradu ay leedahay iyo qorsheyaasha ururka SOLJA uu leeyahay la mataaneeyo, oo si wada jira ah looga shaqeeyo, maadaama oo labadooduba ay metelaan bahda saxaafadda Somaliland”.

Waxaanu intaas ku daray, “Kulankaasi waxaanu kaga wada hadalnay sidii aanu mustaqbalka dhaw u suurto gelin lahayn, sidii dalku u yeelan lahaa saxafiyiin laga taageero dhinaca aqoonta iyo dhinaca shuruucda ay ku shaqeeyaan.

Iyo hay’adaha caalamku waxyaabaha caawimooyinka ah ee ay bixiyaan, in si wada jira looga doonan lahaa. Si loogu horumariyo guud ahaanba saxaafadda Somaliland”ayuu yidhi Xuuto.

Guddoomiye Xuuto, ayaa carabka ku dhuftay in ay ka urur ahaan aad ugu qanacsan yihiin in xukuumadda iyo SOLJA ay si wada jira uga wada shaqeeyaan baahiyaadka jira.

Waxaanu xusay in ay si weyn ugu tiirsan yihiin gacan qabashadda xukuumadda. Waxaanu yidhi, “Waxaanu nahay ururka keliya ee ku qanacsan xukuumadda Somaliland in baahiyaadka ka jira, si wada jira looga shaqeeyo.

Wasaaradda warfaafintu, maadaama oo ay masuul uga tahay xukuumadda. Waxaanu ku tiirsan nahay, oo aan la dafiri Karin gacan qabashadda ay xukuumadda Somaliland siiso ururka SOLJA iyo saxafiyiinta Somaliland-ba”.

Dhinaca kale wasiirka warfaafinta waxaa kulankaasi ku wehelinayay wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta C/naasir Cumar Jaamac.

Halka dhinaca SOLJA ay guddoomiyaha ku wehelinayeen agaasimaha ururka SOLJA iyo xubnaha golaha fulinta ee SOLJA.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY