U Jeedadda Kulamo ay Xisbiyadda Somaliland Nairobi Kula Yeesheen Safiirro

0
442

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka warbixiyey kulamo ay Nairobi kula yeesheen safiirada dalalka taageera doorashooyinka Somaliland.
Guddoomiye Xirsi, oo ka mid ah wefti ka socda hogaanka xisbiyadda mucaaradka Somaliland oo hawlo shaqo u jooga dalka Kenya, oo weftigaasi u hadlay waxa uu sheegay in ay weli u socdaan kulamadda ay la yeelanayaan wakiiladda dawladaha taageerra doorashooyinka Somaliland.

Isagoona xusay in ay kulamo kala duwan la qaadeen safaarradaha dawladaha Denmark, xafiiska EU-da ee Nairobi iyo safaaradda dawladda Canada, oo iyadu ku cusbayd arrimaha doorashooyinka Somaliland.
Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa uu tilmaamay in dhammaan ba kulamadaasi ay ugu soo dhammaadeen is afgarad iyo guul, isla markaana ay maalinta berri ah yeelan doonaan kulamo kale oo muhiim ah.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY