Turkiga: Hirdanka Doorashada Istanbul Oo Meel Xasaasiya Maraysa + SAWIRRO

0
1190
Labada Musharax ee Imamoglu iyo binali oo loolan adagi dhexmari doono

ISTANBUL—Doorashada ku celiska ah ee magaalada Istanbul Waxaa aad isu garbinaya xisbiga talada dalkaas haya ee AKP ee Madaxweyne Erdogan iyo kan mucaaradka ugu weyn Turkiga ee CHP.

Labada xisbi waxay magaalada ka wadaan ololaha daoorashada ku celiska ah,iyaga oo shacabka magaalada Istanbul kala hadlaya fagaarayaasha, taasi oo si weyn looga dareemayo guud ahaan Magaalada.

Xisbiga talada haya waxa gacantiisa hore uga ka baxay magaalada caasimadda ah ee Ankara iyo Izmir oo ah tan seddexaad ee ugu weyn dalkaas.

Madaxweyne Erdogan ayaa u muuqda in uusan diyaar u ahayn in uu ogolaado in ay gacantiisa ka baxdo magaalada Istanbul, halkaas oo ah magaalada ugu weyn Turkiga, islamarkaasna ah xarunta dhaqaalaha.

Doorashada ku celiska ah ee Istanbul ayaa dhici doonta June 23 ee sanadkan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA DOORASHADA

 

Hargeisa Press News Desk — ISTANBUL

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here