TUKE-RAQ: Ciidammada Qaranka Oo Dhirbaaxo Culus Ku Dhuftay Maleeshiyaadka Puntland Oo Soo Weerarray

0
966
Taliyaha Guud ee ciidamada qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismacil Taani PHOTO FILE

Tuke-raq , (HargeisaPress) —Ciidammada Qaranka Somaliland ee ku sugan Jiidda hore ee Degmada Tuke-raq ee Gobolka Sool, ayaa iska difaacay isla-markaana Dhirbaaxo culus ku dhuftay Ciidammada Maamul-gobolleedka Puntland oo Saaka Subaxdii hore ku soo qaaday weerar.

Ciidammada Puntland oo doonaya inay xoog ku qabsadaan Degmada Tuke-raq oo Shan bilood ka hor Ciidammada Qaranku ka saareen, ayaa bishan gudaheedii Saaka markii Saddexaad ka soo weerarray Saddex aag oo kala duwan  Ciidammada Qaranka Somaliland ee halkaa fadhiisinno ku leh.

Ciidammada Puntland ayaa weerarka ka soo qaaday Waqooyiga, Hawdka iyo Bariga Tuke-raq, balse Ciidammada Qaranka oo heegan buuxa ku jiray ayaa la galay Dagaal culus oo sababay Dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaadhay Ciidammada Duulaanka ahaa ee Puntland.

Dagaalka oo socday muddo ku siman Lix Saacadood, ayaa waxa Ciidammada Puntland lagaga dilay Ciidammada Tiradooda lagu sheegay 47 Askari, waxaana ka dhaawacmay tiro intaa ka badan, halka lagaga gubay Gaadiid dagaal oo uu ka mid yahay Kaare ama Taangi.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo oo Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in Dagaalka Ciidammada Puntland ku soo qaadeen Ciidammada Qaranka Somaliland uu qayb ka yahay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Puntland Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Wasiir Guri-barwaaqo oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Saaka lixdii subaxnimo ayaa ciidamada maamulka cago jiidka ah ee dawladda fadaraalka Soomaaliya isku dayeen inay soo weerarraan ciidamada Qaranka ee uu fadhigoodu yahay jiidda hore ee Tuke-raq, iyaga oo is leh ka faa’iidaysta xilliga ay reer Somaliland dad iyo dawladba

ku hawlan yihiin samata-bixinta dadkii ku tabaaloobay dufaanadii ka dhacay Somaliland..”

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu War-saxaafadeed uu Warbaahinta ugu talo-galay ku sheegay in Ciidammada Puntland ay khasaare laxaadle kala kulmeen weerarka ay ku soo qaadeen Ciidammada Qaranka ee Jiidda Tuke-raq.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here