Trump oo Ka Baxsaday Markii Labaad Maxkamaddayntii Guurtida Ee Dimuqraadiyiinta, Muxuu Xaalkiisu Ku Danbayn Doonaa?

0
658
Donald Trump
Donald Trump

Washington (Hargeisa Press) — Madaxweynihii hore ee lagaga adkaaday doorashadii Maraykanka ee natiijadeedu muranka baddan dhalisay, Trump, ayaa markii labaad dirqi kaga baxsaday Dimuqraadiyiinta.

Trump, waxa dacwada markii labaad lagu soo ooggay maraysay Aqalka Senatka, taas oo qaadatay muddo shan maalmood oo taariikhi ah, balse ugu danbayntii Aqalka Guurtidu waxay u coddeeyeen, Sabtidii, 13-ka February, in la siidaayo madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump.

Waxa lagu eeddeeyay denbiyo ah kicinta kacdoon iyo inuu masuul ka ahaa mashaqadii sababtay dhimashada ee 6 Jan 2021, ka dhacday Aqalka Capitol, halkaas oo ay la wareegeen taageerayaal cadhaysan oo ka mid ahaa kuwa cunsuriyada foggaatay.

Hase yeeshee Trump, waxa in lagu qaado eeddahaa taageeray 57 xubnood oo kali ah, kuwaas oo ay ku jiraan 17 senatarrada jamhuuriga oo Dimuqraadiga ku taageeray, waxaana diiday maxkamaddaynta Trump, 43, taas oo badbaadisay Trump, sababtoo ah waxay dimuqraadiyiintu u baahnaayeen meel marinta maxkaamaddaynta codadka laba – saddex meelood meel 100 –ka xubnood ee gollaha, taas oo noqonay 67 cod. Sidaana waxa uu kaga baxsaday markii labaad maxkamaddaynta.

Donald Trump, waa madaxweynihii 45-aad ee Maraykanka oo lagu eeddeeyay kicinta kacdoon, waxayna dacwaddiisu  bilaabantay Salaadadii lasoo dhaafay, kaddib markii 56 senator, oo ay ku jiraan lix Jamhuuriya, ay u codeeyeen in maxkamaddaynta laga dhigo mid dastuuri ah, xitaa kaddib markii ay dhammaatay muddadii Trump iyo soo laabashadiisa oo caadi ah, isagoo muwaadin, waxaana markaa ku xigay xeer ilaalinta iyo kooxaha difaacaya oo u bandhigaya doodahooda xubnaha golaha, muddo saddex maalmood ah.

Dacwad oogayaasha ka socday Xisbiga Dimuqraadigu waxay ku eeddeeyeen Trump inuu yahay abaabulaha ugu weyn ee rabshadihii ka dhacay Capitol 6-dii Jan 2021, maadaama uu cadhada taageerayaashiisa ku sii huriyay dhawr bilood waxay ku tilmaameen “Been weyn” , isagoo markaa isku arkay inuu yahay dhibanaha laga dhacay codadka doorashadii Madaxtooyadda ee Salaasadii November 2020, isagoo Trump, ku doodaya in dhacaa loo maray hawlgallada khiyaanada ah. Sida uu ku dooday ee ugu sheekeeyay taageerayaashisa, balse ma jir caddayn la keenay oo lagu xaqiijinayo eeddahaa.

Dhinaca kale, difaaca ayaa caddeeyay in maxkamaddaynta Trump ay tahay mid aan dastuurka waafaqsanayn, waxayna ku doodeen in ay ka dhigan tahay “aargoosi siyaasadeed” oo looga golleeyahay “ka hortagga hadalada aan aqlabiyaddu jeclayn, taas oo ay ula jeedaan dimuqraadiyiinta.

Hase yeeshee ka hor intii loo gudbin dacwaddaha ugu dambeeya Sabtidii, habraacyada ayaa la hakiyay saacado yar kaddib markii 55 senatarada ah oo ilaa 44 ah ay ogolaadeen codsigii deg-dega ahaa ee dacwad oogayaasha Dimoqraadiga, kaas oo ahaa in markhaatiyaasha loogu yeedho maxkamaddaynta. Laakiin kaddib markii difaaca ay ku hanjabeen inay u yeedhayaan Afhayeenka Aqalka wakiilada Nancy Pelosi, madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris iyo markhaatiyaal kale, waxay dhinacyada ugu danbeyntii isku raaceen inay ku filnaadaan duubista markhaatiga wakiilka jamhuuriga Jim Herrera Butler ee caddaymaha iyadoo aan loo yeedhin markhaatiyaal, si looga fogaado in maxkamadda la dheereeyo.

Herrera Beutler ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in hoggaamiyaha xisbiga laga tirada badan yahay ee Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada, Kevin McCarthy, uu u yeedhay Trump intii uu socday weerarkii ka dhacay Capitol bishii January 6, isaga oo ku booriyay inuu ugu baaqo taageerayaashiisa inay baxaan, laakiin Trump ayaa markii hore ku andacooday kuwa weerarka soo qaaday waxay ka socdeen dhaqdhaqaaqa bidix “Antifa”, taas oo ah waxa McCarthy diiday, asaga oo sheegay inay yihiin taageerayaashiisa. Trump ayaa ugu jawaabay, “Kevin, waxaan u malaynayaa in dadkani ay aad uga sii cadhaysan yihiin (natiijada) sidaad adigu u malaynayso.” Ayuu yidhi. Sida uu Bayaanka ku sheegay Herrera Beutler.

Sidoo kale, ka hor intaan dacwada dib loo bilaabin Sabtidii, Hoggaamiyaha Aqlabiyada laga tirada badan yahay ee Senate-ka Mitch McConnell ayaa e-mail u diray xubnaha kale ee Aqalka ee xisbigiisa jamhuuriga, isagoo sheegay inuu u coddayn doono siidaynta Trump, wuxuuna taas ku sababeeyay, isagoo yidhi, “waaxaan ku qanacsan ahay  in xil ka qaadista ay tahay aalad ka reebis marka hore meesha, sidaa darteed waxaan ka maqnayn xukun.

Mitch McConnell, ayaa sidoo kale yidhi, “Dastuurku wuxuu si aan leex leexad lahayn u caddaynayaa in anshax xumada madaxwaynaha la dacweyn karo inta uu ku sugan yahay booskiisa sharciyeed markuu xafiiska ka tago,” taas oo uu ula jeedo maxkamaddaha, balse aannay ahayn golaha guurtida.

Hogaamiyaha laga tirada badan yahay ee aqalka Senatka Mitch McConnell, oo u coddeeyay in la sii daayo Donald Trump, ayaa sheegay in Madaxweynihii hore “ficil ahaan iyo anshax ahaanba uu mas’uul ka yahay” kicinta dhacdooyinka 6-da January, isaga oo ugu yeedhay ficilkiisa ka hor rabshadaha kuwo waji gabax ku ah waajibaadka saaran.”

Wallaw  Xukunka iyo maxkamaddaynta madaxweynihii hore Donald Trump,  u baahnaa aqlabiyad seddex meelood laba aqalka Senatka, taas oo macnaheedu yahay in Dimuqraadiyiintu ay u baahnaayeen si ay Trump gidaarka ugu xidhaan codadka 17 senetarrada Jamhuuriga, iyadoo ka dhigaysa 67, marka lagu daro codadkooda oo 50, may dhicin, wuxuuna Trump sidaa kaga siibtay Maxkamadda Dimuqraadiyiinta.

Balse baxsashada markii labaad Trump ka baxsaday dubbaha ay dimuqraadiyiintu la doonayeen maaha mid meesha ka saaraysa in ay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan si looga mamnuuco inuu mar kale kusoo laabto xafiiska, waxaana suurta gal ah in isagoo qof shacab ah ay makamadda si toos ah dacwad ugaga furaan Dimuqraadiyiintu, iyagoo weli  rajaynaya inay xukumaan Trump, ka dibna u codeeyaan qaraar ka hor istaagaya in xafiis dawladeed mustaqbalka soo fadhiisto.

Dhinaca kale, Trump oo dagaal dhankiisa ku jira, isla markaana adeegsanaya dhaqaale baddan oo mallaayiin dollar ah, wuxuu noqonayaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee laba jeer isagoo xafiiska joogga Afar sannadoo guddahood dacwad lagu soo ooggo. Sidoo kale, waa madaxweyne Trump, ayaa cabsi weyn oo laga qabo inuu amaanka Maraykanka dhibaateeyo waxa uu noqday Madaxweynihii u horeeyay inta la xusuusan yahay xafiiska ka taga ee aannay hay’addaha amnigu la wadaagin wax macluumaad iyo xog ah oo ku saabsan xaaladda amniga ee dalka.

In kasta oo la xidhay taageerayaal badan oo ahaa hormood u ahaa kooxaha rabshadaha abaabula oo dhacdada 6 jan loo xidhay, isla markaana qaarkood loo haysto shirqool la doonayay in lagu khaarajiyo Afhayeenka Aqalka Wakiiladda Nancy Pelosi.

Si kastaba ha ahaatee Trump, oo lagu tilmaamo inuu ahaa Madaxweyne siduu doono u hadla, isla markaana sameeya wixii maskaxdiisa kusoo dhaca oo ku noqday taariikhda Maraykanka wax cusub, wuxuu haytsaa malaayiin taageerayaal ah oo sax iyo khalad u dhega nugul, kuwaas oo u faruur xidhan dhegehooduna ay maqlaan hadalkiisa oo keliya, isla markaana adeegsanaya dhaqaale uu ku dagaalaamayo oo ay dabada ka taagan yihiin burjuwaasiyiin iyo shirkaddo waweyn waana sababta weli looga cabsi qabo, waxaase la eegi doonaa halka uu ku danbeeyo mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo dimuqraadiyinta u dhaarsan in ay ka xidhaan albaabada iyo daaqadaha siyaasada  si aannu mar kale ugu soo laaban xafiiska.

LEAVE A REPLY