Trump oo Dil Ka Badbaaday Caawa

0
1956

Washington (Hargeisa Press)- Madaxwenaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in qof lagu toogtay goob u dhow Aqallka Mareykanka, kaddib markii uu ka baxay shir jaraa’id.

Mr Trump ayaa weriyeyaasha u sheegay “inay u muuqato in haatan xaaladda la xakameeyay”.

Trump ayaa shirka jaraa’id lagala carayay markii ay arrinta dhacday balse wax yar kaddib ayaa dib u soo muuqday kaddib markii mid ka mid ah ilaaladiisa uu goobta shirka jaraa’id ku soo hogamiyay.

Waxaa la maqlayay Trump oo odhanaya “Oh!” “Maxaa dhacaya” markii uu ka sii dhaadhacay qolka shirka jaraa’id.

Madaxweynaha oo ku guda jira shirka jaraa’id ayaa waxaa ka soo dhex-galay mid ka mid ilaaladiisa, waxa uuna dhagta ugu sheegay dhacdada.

Markii uu dib u soo laabtay sagaal daqiiqo kaddib, madaxaweynaha ayaa weriyeyaasha u sheegay inuu aaminsan yahay in ilaalada qarsoon ay toogteen qof hubeysnaa oo laga shakiyay. Waxa uu sheegay in qof cisbitaalka la geeyay dhacdada kaddib.

Mr Trump ayaa gadhwaaqsaday inay ahayd xaalad aan caadi ahayn, balse waxa uu ammaan kala dul-dhacay ciidamada ilaalada ee qarsoon.

LEAVE A REPLY