Toogasho Ka Dhacday Masaajid Ku Yaal Magaalada Paris

0
988

Paris (HargeisaPress)- Laba qof ayaa lagu toogtay banaanka Masaajid ku yaal Brest oo ku taal Galbeedka Faransiiska sida ay xaqiijiyeen Boolisku.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Brest Jean-Philippe Recappe  ayaa sheegay in nin hubeysan uu rasaas ku furay  dad kasoo baxay Masaajid ku yaal Magaaladan oo daris la ah Pontanezen taasoo keentay inay dhaawacmaan illaa laba qof.

Jean-Philippe Recappe ayaa Reuters u sheegay inaanay weli kala caddeyn in toogashadan ay tahay mid ku saleysan Arrimo diimeed iyo inay jiraan waxyaabo kale oo sababay.

Talefishinka France 3 ayaa baahiyey inuu baxsaday ninkii rasaasta ku furay dadkii kasoo baxay Masaajidka.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa….

 

HargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here