Tog-Wajaale: Taliyaha Booliska Oo Tababar U Soo Xidhay Sodon Farras

0
441

Tog-Wajaale (HP): Taliyaha ciidamadda booliska Somaliland Generaal Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa maanta tababar u soo xidhay koox Fardo ah oo tababar in muddo ah lagu siinayay banka mashruuca Wajaale.

Fardahaasi oo lagu xanaaneeyo banka Wajaale ayaa tababarka loo soo xidhay waxay dhamaayeen 30 Faras, kuwaasoo ay gacanta ku hayaan ciidamadda booliska ee saldhiga banka Wajaale.

Kadib kormeer uu maanta taliye Dabagale, ku tegay banka Wajaale waxa uu soo kormeeray dalagyadda kala duwan ee ay ciidamadda boolisku qaybta ka beereen banka Wajaale.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here