TOG-DHEER: UGU YARAAN 5 QOF, AYAA KU NAF WAAYAY HALKA ILAA 8 QOFNA AY KU DHAAWACMEEN SHIL BAABUUR OO KA DHACAY TUULADA GAATAMA.

0
1132
 Burco, (HargeisaPress) — Ugu yaraan 5 qof, ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen  halka ilaa 8 ruuxna ay ku dhawaac meen   shil baabuur oo kadhacay tuulada Gaatama oo ku taalla bariga tuulada Beer ee gobolka Tog-dheer.

 

Wararka saacaddan soo gaadhaya shebekedda hargeisa press, ayaa sheegaya in 5 qof oo seddex kamid ah uu ku jiifo baabuur ah nooca loo yaqaan waaraadku ay dhinteen halka 8 ruuxna ay soo gaadheen  dhaawacyo halisa ah, kadib markii baabuur xammuul ahi uu dusha ka maray baabuur kale oo xaajiyad ah oo ay saaraayeen rakaab ku socda degmada Qorilugud  oo katirsan gobolka Buuhoodle iyo deegaanno ay ka midtahay degmada Wadaamagoo.

Adan Gaas Ciid, oo ka mida masuuliyiinta dawladda ee gobolka Saraar, ayaa shilkan oo dhacay abaaro salaaddii Maqrib u xaqiijiyay warsidaha Hargeisa press  oo khadka taleefanka kula xidhiidhay isaga oo ku sugan magaalada Burco.

Dadka dhaawacmay iyo hal qof oo mayd ah, ayaa la soo gaadhsiiyay dhakhtarka guud ee magaalada Burco halka  maydadka baabuurku ku jiifayna laga soo hoos saaray kadib gur mad uga tagay dhinaca Burco.

 

 

HargeisaPress News Desk

Burco office

wariye:-sakariye cabdiraxmaan ibraahin x.cabdi

sekeriye80@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here