“Tiradda dhimashadda Covid-19 waa 258 qof”… wasiirka caafimaadka

0
1323

Hargaysa (HP): Wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa bulshadda reer Somaliland u diray fariin ku aadan goobaha la isugu imanayo maalmaha munaasibadda Ciidda.
Cumar Cali C/laahi, ayaa bulshadda ku baraarujiyay in ay ku dhaqmaan awaamiirtii guddiga xanuunka Covid-ka, maadaama oo ay dadweynuhu isku soo baxaan maalmaha Ciidda.
Waxaanu faray bulshadda in la kala fogaado, isla markaana ayna fiican tahay in lagu tukado meelaha Garroomada ah.
Iyadoo la isticmaalayo lana ilaaliyo kala fogaanshiyaha iyo af-saabka, isla markaana qof kastoo tegaya tikashadda Salaadda Ciidda uu soo qaato Sukaayadiisa.


Geesta kale, wasiir Bede, waxa uu ka warbixiyay xaaladda guud ee caafimaad ee dalka oo uu sheegay in hadda aad iyo aad bay u fiican tahay.
Hase yeeshee, xanuunka Covid-19ku ay muddooyinkan fanbe aad kor ugu kacday, dad badana ay u dhinteen
Wuxuu sheegay in tiradda dadka baadhitaanka lagu sameeyay marka laga soo bilaabo bishiii Jenuary ee sanadkan ay ahayd 27232 qof.
Iyadoona 3284 ka mid ahaa dadkaasi laga helay xanuunka.Halka tiradda dhimashaduna tahay 258 qof.
Tiradaasi oo ah inta ay wasaaradda caafimaadku diiwanagelisay guud ahaanba dalkoo dhan.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY