Tirada Kiisaska Covid-19 Ee Somaliland oo Korodhay

0
1506

Hargeisa (Hargeisa Press) – Somaliland waxaa aad u kordhay dadka u geeriyoonaya xanuunka Covid-19 ee dunida aafeeyay, iyadoo meelaha ugu daran ee xanuunkani ku soo laba kacleeyay ay ka mid tahay magaalada Boorama oo ay ugu geeriyoodeen dad u badnaa waayeel.

Iskuduwaha wasaaradda caafimaadka Somaliland ee gobolka Awdal oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu faro ba’an ku hayo gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama.

“Waxaad mooda in u soo kordhayo inta dambe gobol ahaan, gaar ahaan degmada Boorama oo caasimada gobolka ah, xaalada ahaan waxaa joogna wakhtigii ugu cuslaa, iyada oo cidna wakhtigeeda dhaafayna haddana dhimashadu way nagu badan tahay oo uu sabab u yahay Covid-ku, waana dadka waaweyn,” ayuu yidhi Dr. Mustafe Muumin Muuse.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in dadka uu soo ritay ee ugu geeriyooday magaalada Boorama cudurkan ay u badan yihiin dadka waawayn ee qaba xanuunada gaar ah, wuxuuna ugu baaqay bulshada inay qaataan tallaalka cudurka oo kal hore la gaadhsiiyay Somaliland.

Xanuunka Covid-19 ayaa faro ba’an ku hayaa Somaliland tan iyo markii uu dalka ku soo labo kacleeyay, waxaana guud ahaan cudurka laga helay 4,267-qof, halka ay u geeriyoodeen 269-qof, ilaa hadda inta la ogyahay.

Halkan hoose guji oo ka dhagayso warka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here