Tirada Dhimashada iyo Dhaawaca Gurigii Ku Dumay Magaalada Wajaale oo Korodhay

0
2227

Tog Wajaale (Hargeisa Press) – Waxaa sii kordhay tirada khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay Guri dhisme ka socday oo maanta ku dumay magaalada Wajaale.

Khasaaraha ka dhashay dhismahan dumay ayaa Inta la xaqiijiyay 4 qof ayaa ku geeriyooday, halka 11 oo kalena ay ku dhaawacmee.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa ahaa shaqaale ka shaqaynayay dhismaha dumay.

Dhaawacyada Shan ka mida oo 10 ka qof ee dhaawacmay oo dhaawacoodu cuslaa ayaa loo soo qaaday cisbitaalka Gabiley, halka Shantii kalena oo dhaawacoodu sahlanaa lagu dabiibayo cisbitaalka Wajaale.

Waxaa iyagana wararku xaqiijinayaan in mulkiilihii dhismahaas uu ka mid yahay dadka ku nafwaayay goobtaas.

Ciidanka dam-demiska ee magaalada Wajaale ayaa ilaa galabta ku howlanaa daad guraynta Dhimashada iyo Dhaawaca.

Maamulka Degmada, ka Gobolka Gabiley, laamaha Caafimaadka iyo ammaanka ayaa iyaguna dhankooda qayb ka ahaa hawlgalkan.

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Hargeysa, dhacdo sidanoo kale ah uu dhisme ugu soo dumay shaqaale ka shaqaynayay Masjid la shubayay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here