Tirada Dadka Uu Ku Dhacay Coronovirus oo Gaadhay 300,000

0
1159

Dadka uu ku dhacay cudurka Coronovirus guud ahaan caalamka ayaa Axadda maanta ah gaadhay ilaa iyo 300,000 oo qof.

Sida ay ku warrameyso wakaaladda wararka ee AFP, ugu yaraan 300,097 la xidhiidha caabuqan halista ah ayaa la diiwaangeliyay aduunyada oo dhan, tan iyo intii uu soo billowday bishii December ee sannadki hore.

Dadka u dhintay ee Cisbitaallada lagu diiwaangeliyay ayaa gaadhaya 12,895 oo dhimasho ah, ilaa iyo 169 waddan oo caalamka ah, sida ay maanta xaqiijisay Hey’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO.

Dalka Talyaaniga ayaa hadda ah waddanka ugu dhimashada badan ee cudurka Coronovirus, kaalinta koowaad ayuu kala baxay Shiinaha.

Talyaaniga waxay tirada dhimashada sii mareysaa ku dhawaad 5000 oo qof. Sabtidi ay ugu darneyd oo hal maalin gudaheed ay dalka Talyaaniga cudurkani ugu dhinteen ku dhawaad 800 oo qof.

Dalka India, maanta waxaa lagu soo rogay bandow socon doona 14 saacadood, si loo yareeyo faafista caabuqa corono. Bandowga ayaa saameynaya in ka badan hal bilyan oo qof oo ku nool dalkaasi.

Qaaradda Africa, waddanka Rwanda ayaa noqday dalki ugu horreeyay oo ku dhawaaqa in uu xidhay dhamaan xuduudahiida, si uu ula tacaalo cudurka Coronovirus. Ilaa iyo hadda Rwanda waxaa la xaqiijiyay 17 kiis oo ah caabuqa Corono.

https://www.afp.com/en/news/3954/world-ramps-restrictions-virus-cases-top-300000-doc-1q05tl30

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here