Tirada Dacwadaha La Xidhiidha Natiijada Doorashada Ee Loo Gudbiyey Maxkamadaha Dalka

0
1567

Hargeisa (Hargeisa Press) –  Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland ahna Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, ayaa ka hadlay tirada dacwadaha doorashada ku saabsan ee Maxkamadaha loo gudbiyey.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, waxa uu sheegay inay tiro ahaan kooban yihiin cabashooyinka la xidhiidha natiijada doorashada ee soo gaadhay Maxkamadaha Gobollada iyo Degmooyika dalka iyadoo loo eegayo in cabashooyinku waafaqsanyihiin xeerka doorashooyinka si cabashooyinka buuxiyay shuruudaha dacwad loogu furo.

“Guud ahaan waddanka waxa na soo gaadhay cabashooyin kooban, Maxkamadda gobolka Togdheer waxa soo gaadhay 8 cabasho, laakiin shuruudihii arjiga may buuxin, markaa wax dacwad ah lagama furin, gobolka Sool waxa soo gaadhay 4, iyaguna intaanay ku dhawaaqin ayay eegayaan, go’aana ka gaadhayaan, Sanaag-na hal cabasho ayaa soo gaadhay, iyaguna intaanay ku dhawaaqin ayay go’aan ka gaadhayaan”ayuu yidhi guddoomiyaha maxkamadda sare.

Geesta kale, guddoomiyuhu waxa uu xusay in ay maalmahanba aqbalayeen cabashooyinka la xidhiidha natiijadii hordhaca ahayd ee golaha Wakiilladda, waxaanu sheegay in araajida ay soo qorteen murashaxiintu loo eegayo shuruudaha uu xeerku sheegay, haddii ay shuruudaha buuxiyaanna loo furayo dacwad, haddii kalena loo sheegayo in aanay buuxin shuruudihii looga baahnaa ee dacwad furashada.

LEAVE A REPLY