TIIRKII NABADDA AYAA GODGALAY

0
1039
Marxuum Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf ( Cabdi Waraabe )
Isagoo gaade ah oo raad raacaya dhiigii aabihii ayuu roob mahiigaan ahi kaynta dhexdeeda ku qabsaday laylka dhexdiisa markaasuu dugaal  biday in uu la jirsado reer jabaqdiisu u dhawayd   waa gaade col ah oo hubaysan oo dabajooga dhiigii aabihii waxaana u hilaacaya dhiiga gacan ku dhiiglihii iyo raaska aabihii ku maqnaa.
Isla qoyskii iyo ninkii aabihii gacantiisa ku dilay ayuu noqday guriga uu roobku galiyay ee uu hadda dhex taaganyahay oo uu marti aan lagu talogalin yahay.
Wuxuu sheegay marka geydha iyo dhibicda roobku ay xoog kagasoo gudubto rarada aqalka ee dhibici korkiisa ku dhacdo in uu ninka reerka lihi ka gufaynayay hadba meeshii ku daroorta karaamaynta martiga awgeed.
Kolkii waagu beryay ayuu ogaaday ninkan uu xalay gurigiisa jirsaday in uu yahay ninkii gashiga iyo dhiiga aabihii uu fadhiyay
Isla markaasna uu ladaabanayo caanaha ninkii uu qoriga u sitay waxaan goostay ayuu yidhi in  raacdada dhiigii aabe utunta aan hadhidoonin aakhiro iyo adduunba gaadhina doonta denbiile iyo mid aan denbi lahaynba  aan ku beddesho Nabad iyo godob la’aan.
Ilaahay Subxaanahuu watacaalaa wuxuu jideeyay dilka saddex qodob midkood sida ay aayadda Qur’aanku inoo sheegayo.
1:In uu Qisaasto xaqluhu gacan ku dhiiglaha
2:In uu xaqluhu diyo qaato iyo mag
3:In uu cafiyo
Qodobka 3aad cafiska ayuu eebe aayadda ku leeyahay in aad cafido ayaa u dhaw alle ka cabsiga iyo samo fal.
Adigoo dhiig leh in aad samo fasho waa arrin aad u adag waayo?
adigaa lagu dilay adna waxaad ku beddeshay wanaag iyo samo fal.
“Weligay maamul dawladeed ma aanan mucaaradin oo burbur kumaan talin,,
Waa ma hadhooyinka aynu ka reebidoono mid kamida iyadoo mas’alada khilaafka islaamku aad u adkeeyo iyadoo laga hortagayo burburka iyo khilaafaadka hadimooyinka ku hoos duugan haddaan laga dhawrsan oo aan loogu dulqaadan dhibkastoo jira ayay culimada islaamku sheegeen halista khilaafka oo burbur horseedda.
Sheikhul Islaam Ibnu Taymiya ayaa laga sheegay
“Kun habeen oo dawlad xumo ah waxaa ka daran hal habeen oo dawladla’aana,,
Xaaji Cabdiwaraabe haddii dadka aan soomaalida ahayn iyo dunidu ay qiimayn lahayd taajka NABADDA iyo is cafiska ayaa la siin lahaa waxaana garabka loo sudhilahaa abaal marinta (Nobel peace prize) ee nabadda adduunka.
Marxuum Xaaji Cabdiwaraabe wuxuu u yahay tiir ay ku daydaan dadka somaliland iyo guud ahaan ummadda soomaaliyeed ee dagan geeska afrika oo ay kala irdhaysay colaad aano godob godob lagu gudo gobanimadoodiina sahayatay iyo wada dhalashadoodii oo keliya ay ka go’do ninkii gashi dabajooga.
“Marxuumka ayaan ugu danbayn ka tacsiyadaynayaa geeridiisa Qaran Qoys Iyo Qaraabo,,
Qalinka Abwaan Abdijibaar Aaden Gaas

LEAVE A REPLY