Telesom oo Qalab dhisme ugu deeqday dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay roobabkii dabaylaha watay ee ka dhuftay Dacar- budhuq

0
1324

Hargeysa,(HargeisaPress) – Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa qalab dhisme ah ugu deeqday maanta dadka ku nool deegaanka Dacar-budhuq ee hoos timaada degmadda Laas-geel. 

Munaasibadan wareejinta deeqda oo ka dhacday magaalada Dacar-budhuq ayaa waxaa ka soo qayb-galay xubno golaha wasiiradda Somaliland ka tirsan, maamulka shirkadda Telesom iyo masuuliyiin kale oo isugu jiray madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kale. 

Shirkadda Telesom ayaa maamulka degmadda ku wareejiyey deeqdan qalabka dhismaha oo dhamayd 1,200 xabo oo jiingadho ah iyo 500 oo kiish oo sibidh ah. 

Agaasimaha Horumarinta Arimaha Bulshadda ee Shirkadda Telesom Cabdiwahaab Maax oo ka hadalay munaasibadan ayaa sheegay sida ay shirkadda Telesom had iyo goor heegan ugu tahay inay bulshadeeda gacan ka siiso haddaba wixii baahi ku soo kordha. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here