Telefishanka Al-jazeera Oo Toosh Dheer Ku Iftiimiyay Xasuuqii Ka Dhacay Somaliland Iyo Dhagar-qabeyaashii Geystay

0
1175

Hargeysa, (HargeisaPress) —Telefishanka caalamiga ah  Al-jazeera, ayaa soo habeen hore baahiyay  barnaamij iskugu jira filim iyo qoraal dheer oo ay kaga hadleen xasuuqii baahsanaa ee ka dhacay gobollada Somaliland ee ay dadkii shacabka ahaa u geysteen ciidammadii taliskii Siyaad Barre ee Soomaaliya.

 

Telefishanka Al-jazeera, waxa uu sheegay in konton kun oo qof oo rayid ah oo u dhashay Somaliland talliskii Siyaad Barre ku xasuuqay deegaamadoodii, taasi oo noqonaysa dhaqankii ugu arxanka darraa ee dawladi ay shicibkeeda u geysato.Warbixintani waxay farta ku fiiqday dhacdooyinkii xasuuqii loo haystay Col. Tuke oo ay toosh weyn ku ifisay.

 

Faysal Cabdilaahi Cabdalle oo ka mid ah Tifaftireyaasha  DAWAN, ayaa warkan ka diyaariyay warbixintii Telefishanka oo uu soo turjumay, waxaanay u qornayd sidan:-  “Soomaaliya waxa loo arkaa  meel  ka mid ah meelaha dunida ugu khatarta badan- dawlad guul-dareysatay oo si weyn loo aaminsan yahay in ay hoy u tahay qabqableyaal dagaal, budhcad badeed iyo argagixiso,Haseyeeshee xagga Somaliland xaqiiqadu sidaa waa ay ka duwan tahay.

 

Somaliland  waa dal madax-bannaan oo leh caasimadda soo koreysa ee  Hargeysa. In kasta oo aan weli loo aqoonsan dawlad madax-bannaan, haddana waxa ay  ku soo caano maashay nabad iyo deggenaansho.

 

Somaliland waxa ay soo martey taariikh madow oo ku mudan xasuusta muwaadiniinteeda, kuwaasi oo ay ku soo dhacday cadaawaddii ugu xumeyd  ee dawladi kula  kacdo dadkeeda.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

 

Taasi oo kaga timi keligii taliyihii  naxariista daraa Jeneral Siyaad Barre –   ee  soo xukumi jirey sannadihii 1969 illaa  1991 – kaasi oo ku qaaday dagaal beelihii degggenaa dhulkaasi. Isaga oo rumeysnaa in ay taageerayaan kacdoonkii ka dhanka ahaa isaga oo taa kaga aargudanaya waxa uu u direy ciidamadiisii  oo uu awood u siiyay in ay cagta mariyaan  cid kasta.

 

Caasimada  Hargeysa waxa gebi ahaanba lagu burburiyay duqeyn bilaa xad iyo naxariis  aheyd.Kumanaan dad ah ayaa la qaxiyay ama la dileyba.Dhinaca kale Ciidamadii Siyaad Barre waxa ay dil iyo jidh dilba ku sameeyeen dad kale oo ka badnaa  50,000 oo qof oo badankoodu shacab ahaa, waxaanay meydadkoodii ku aaseen xabaalo wadareedyo. Haatan dadka ku nool dhulkaasi waxa ay isku dayayaan in ay sugaan mustaqbalkooda, waxaanay dareemayaan qaarkood in dib loo baadho falalkaasi murugada lahaa oo kuwii ka masuulka ahaa lala xisaabtamo.

 

Haddaba baadhis gaar ah oo laba dhinac leh  dadka iyo awoodda waxa  ay kulmisay bulshadii  soo martey xaaladihii argagaxa lahaa ee tegay,  waxaana isku biirey  kooxo baadhaya sidii wax u dhaceen iyo dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadamaha,  kuwaasi oo isku dayaya in caddaaladda la horkeeno oo lala xisaabtamo  kuwii galay dembiyadaas dagaal  oo uu ka mid ahaa  , Yuusuf Cabdi Cali, oo loo yaqaanay  Colonel Tuke.

 

Jose Pablo Baraybar, oo ah baadhe caan ka ah dunida oo ku xeel dheer cilmiga loo yaqaan  forensic  ee baadhista hadhaaga lafaha dadka iyo waxa sababay dhimashadooda  iyo muwaadin u ololeya xuquuqda binu’aadamka  Cabdicasiis Diiriye,  oo dhawr ka mid ahaa qoyskiisa la dilay laguna aasay xabaalo wadareedyo, taasi oo ah ta dhalisay in la diiwaangeliyo howsha muhiimka ah ee la qabanayo iyada oo ujeedadu tahay in daaha laga rogo  dembiyadii ay  amartey  dawladdii Barre  ee ay fuliyeen milaterigii Soomaaaliya maalmahaasi madoobaa.

 

Kooxda Jose Baraybar waxa ay isku dayayaan in ay dibada soo dhigaan oo soo faqaan  xabaallo wadareedyo la rumeysan yahay in ay yihiin goobihii askartaasi ku aaseen meydadkii dadkii deegaanka ee ay laayeen.

 

Kooxdani waxa ay rajeyneysaa iyaga oo gacan ka helaya ehelada dadkii la laayay in ay awoodi doonaan in ay xaqiijiyaan hadhaaga qalfoofka oo ay u noqoto caddeymo  goobjoognimo oo  taageeraya  la xisaabtanka sidii dadkaasi  u dhinteen.

 

Soomaalida dhalatey kadib dagaalkii sokeeye waxa ay ogaan karayaan dareenkaasi xanuunka lahaa iyada oo jiilba u gudbinayo jiilka ka dambeeya iyaga oo aan awoodin in ay si buuxda u helaan sababta.

 

Haddaba, mashruucani waa iskuday lagu diiwaan-gelinayo xaqiiqooyinkaasi , isla markaana in  ay ka bixiyaan faalleyn hababka caddaalada ee waqtigan ay  heli karaan kumanaanka lagu dulmey xasuuqaasi.

 

Iyada oo aan la qirin xanuunkaasi ma jiri  karayo wadahadal caafimaad qabaa. Haddaba si dhammaan hore loogu socdo waa in Soomaalidu si dhab ah u  qiraan  belaayadii iyo baaskii  dhacay, si hore loogu  wada dhaqaaqo.”

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY