Tartanka Kubada Cagta Ee Jaamacada ADMAS Oo La Soo Gaba gabeeyay+ Kuliyada Ku Guulaysatay Koobka + SAWIRRO

0
1325

Hargeysa, (HargeisaPress) —Tartan kubada cagta ah oo ay jaamacada Admas ku qabatay magaalada Hargaysa oo ay ku tartamayeen sagaal kooxood oo ka kala socda kuliyadaha kala duwan ee jaamacada admas ayaa lasoo gaba gabeeyay todobaadkan.

Kulankan oo la so gaba gabeeyay 15kii bishan aynu kujirno ayaa waxaa ciyaarta kama dambaysta ah  iskugu soo hadhay labada kuliyadood ee kala ah kuliyada dhaqaalaha iyo kuliyada ICT-da.

Ciyaartii ugu dambaysay ee koobka lagu kala qaadayay oo ay ka soo qayb galeen Macalimiinta iyo masuuliyiinta jaamacada admas  ayaa ahayd ciyaar adag oo labada kooxoodba ay ku tala galeen in midba mida kale ay ka guulaysato taas oo ay xamaasad uyeeleen taageerayaal faro badan oo kala taageerayay labada kooxood

Aakhirkiina Waxaa  koobka ku guulaystay kuliyada dhaqaalaha ee jaamacada Admas oo markii labaad qaaday koobka ay sanad walba qabato jaamacada Admas.

Gudoomiye ku-xigeenka qaybta waxbarashada ee jaamacada Admas Axmednasir Xasan Xaaji oo kamid ahaa masuuliyiintii kahadlay dhamaadka ciyaarta ayaa sheegay in jaamacada Admas ay sanad walba qabato koobkan kaasi oo ardayda jaamacadu ku tartamaan “ Waxaan aad ugu hambalyaynayaa dhamaan kooxihii ka soo qayb qaatay tartanka sida anshaxa fiican ee ay uga soo qayb qaateen, ciyaar  wanaaga ay muujiyeen, waxaan sidoo kale hambalyaynayaa kooxda ku guulaysatay koobka sannadkan oo ah kuliyada dhaqaalaha oo sannadkii labaad ku guulaysatay, waxa kale oon hambalyaynayaa kuliyada ICT-da  oo  sannadkii labaad finalka timid, sannadkii horana ku guulaysatay koobka” ayuu yidhi gudoomiye Axmednasir.

Koobkan ayay Jaamacada Admas qabataa sannad walba kaasi oo ay ku tartamaan kuliyadaha kala duwan ee jaamacada Admas.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

LEAVE A REPLY