Tartanka Ciyaaraha Kubbadda Cagta Degmooyinka Hargaysa Oo La Shaaciyay

0
1762

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xidhiidhka ciyaraha Somaliland ayaa shaaciyay wakhtiga uu bilaabmayo tartanka ciyaaraha Kubbadda cagta ee degmooyinka caasimadda Hargaysa.

Waxaana tartankaasi sanadkan maalgelinaya telefishanka ASTAAM oo ka mida telefishanadda maxaliga ah oo xaruntiisu tahay magaaladda Hargaysa. Iyadoo ay ka qayb geli doonaan sideed degmo oo u sii kala baxaya laba group oo min afar ah.

Munaasibadii lagu shaacinayay wakhtiga ay furmayaan ciyaarahaasi oo maanta lagu qabtay magaaladda Hargaysa, waxaa ka soo qayb galay wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha, wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka iyo wasiirka wasaaradda maalgashiga.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi joogay badhasaabka gobolka Maroodijeex, hogaanka xidhiidhka ciyaaraha ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland iyo xubno ka tirsan bahda ciyaaraha ee Somaliland.

Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mirre Maxamed, oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa ku booriyay kooxaha degmooyinka kala metelaya in looga baahan yahay in ay soo bandhigaan ciyaaro fiican.

Wasiirka Boos, ayaa sidoo kale u mahad celiyay telefishanka ASTAAN oo ciyaarahan maalgelinaya oo uu ku amaanay in ay qaateen talaabo wanaagsan oo faa’iido u leh is-dhexgalka dhalinyaradda iyo dhiiri gelintoodaba.

Wasiirka oo kooxaha ciyaaraha ka qayb qaadanaya la dar-daarmayay waxa uu yidhi “Ciyaaruhu way inoo bilaabmi doonaan insha ALLAAH.

Waxaana ka qayb qaadan doona kooxaha kala metelaya degmooyinka caasimadda Hargaysa. Waxaanan rejaynayaa in ay tusaale fiican u noqdaan wadanka Somaliland oo dhan, si loogu daydo.

Waxaanan idinka rejaynayaa in aad soo bandhigi doontaan ciyaaro wanaagsan, oo bilaa turxaan ah”.

Xoghayaha xidhiidhka Kubbadda cagta ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland Samatar, waxaanu ka warbixiyay mudadda ay ciyaarahaasi soconayaan, tiradda ciyaartooyga ka qayb qaadan doona iyo tiradda kooxaha.

Waxaanu yidhi “Ciyaarahan waxaa ka qayb qaadanaya sideed degmo, oo ka mida degmooyinka caasimadda Hargaysa.

Sideedaas degmo waxay u kala bixi doonaan laba kooxood oo min afar ah. waxaa ka soo bixi doona group walba labadda Naadi ee dhibcaha ugu sareeya wata”.

Waxaanu intaas raaciyay “Guud ahaan mudadda ay ciyaaruhu soconayaan, waa lix iyo toban (16) ciyaarood, oo u dhiganta lix iyo toban maalmood. Marka laga reebo maalmaha fasaxa noqon doona.

Tiradda guud ee ciyaartooyadda ka qayb qaadan doonaa waa 224 ciyaartooy, oo loo geeyay lix iyo toban 916) mucalim. Iyadoo tiradoodu ay isku noqonayso 240 xubnood”ayuu yidhi Samatar.

Dhinaca kale masuul u hadlay telefishanka ASTAAN ee maalgelinaya tartankaasi oo halkaas ka hadlay ayaa kula dar-daarmay kooxaha kala metelaya degmooyinka caasimadda in ay soo bandhigaan ciyaaro qurux badan oo ay ku kasbadaan taageero.

Waxaanu yidhi “Kooxaha degmooyinka waxaan idinka rejaynayaa in aad soo bandhigi doontaan ciyaarro qurux badan, oo mihnadiina kor u qaadi kara. Taageero fara bada-na aad ku heli kartaan”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY