Tartanka Orrodka Oo Lagu Qabanayo Magaaladda Ceerigaabo

0
572

Ceerigaabo (Hargeisa Press.com): Isu-duwaha Wasaarada Ciyaaraha ee gobolka Sanaag Cabdi Ismaaciil Guuleed, ayaa sheegay in ay magaalada Ceerigaabo ka bilaabmayo tartan  Orodka.

Tartankaasi Orodka ah oo uu maalgelinayo telefishanka madaxa banaan ee HCTV.

Waxaanu Isuduwaha wasaarada Ciyaaraha Sanaag intaasi u daray in tartankaasi odordka uu barbar socon doono koob wasaarada Ciyaaraha Somaliland ay u qabanayso naadiyada ka dhisan magaaladda  Ceeirgaabo.

Cabdi Ismaaciil, ayaa  u mahadceliyey masuuliyiinta telefishanka HCTV, oo ku amaanay dedaalada horumarineed ee dhinaca dhalinyarada ee HCTV uu ka wado gobolada Somaliland.

Waxaanu yidhi “Maanta waxa aanu halkan u taaganahay inaanu ku wargalino dhamaan kooxaha gobolka Sanaag ka dhisan.

Kooxaha heerka 1aad ee degmada Ceerigaabo in loo qaban doono tartan ay isku arki doonaan oo ka dhici doona Garoonka kubadda Cagta ee Daallo Stadium bishan 23-keeda, inta ka horaysana ay soo diyaargaroobaan diiwaangalintii iyo liiskii inay keenaan”.

Waxaanu intaasi ku daray, “Marka intaa laga yimaado tartanka Kubadda cagta waxa raaca Orod 5KM ah iyo Basketball loo qabanayo iyagana shan kooxood”ayuu yidhi isu-duwaha wasaaradda ciyaaraha Sanaag.

Geesta kale Cabdi Ismaaciil Guuleed, ayaa u mahad celiyay mulkiilaha HCTV oo maalgelinaya tartankaasi Orodka ah.

Waxaanu yidhi  “Markaan faahfaahiyo Orodka oo kale waxaan aad ugu mahadcelinayaa Mulkiilaha Telefishanka HCTV Farxaan Xaaji Cali oo mar walba dhalinyarada gobolka iyo dhalinyarada Somaliland oo dhan dhiirigaliya.

Maanta-na na soo gaadhsiiyey waxqabadkii ugu horeeyey ee gobolka loo qabto oo 5KM ee Orodka naga qaabili doona.

Waxaanu leenahay HCTV iyo shaqaalihiisaba waad mahadsantihiin, anaga oo ka dareen celinayna sidaa wanaagsan ee uu dhalinyarada iyo bulshada uu ugu heelan yahay”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here