TALLO KU SOCOTA MAYORKA CAASIMADA IYO KUWA MAGAALOOYINKA KALE EE DALKA

0
1472
Muhamed Dhimbiil

Marka aad dalka ku marto socod waxa aad galaysaa kolba magaalo ama tuulo, sida aad u soo socoto ayuun baad galaysaa magaaladii waynayd ee aad u socotay sida #Hargeisa, #Berbera, #Burco , #Borama #Laascanod #Erigavo #Gabiley iwm, iyaga oo aan ka duwanayn tuulooyinkii iyo magaalooyinkii yaryaraa oo goobta laga galo aaney astaan iyo bilicdii magaalada midina ka muuqan.

Dalkeena dhalinyarada ku nool ee dalbarashada ama shaqada ugu kala goosha gobolada dalka ama dadka ajaanibka ah ee dalka yimaadaa waa ay garan waayaan meesha ay marayaan iyo gobolka ay dhex socdaan, sababtuna waxa ay tahay goboladu calaamado ma kala laha, tuulada iyo magaalada weyni goobaha laga galayo bilic iyo muuqaal midna kuma kala duwana.

Waxa aad iyo aad u mahadsan oo aad ku dhul baranaysaa ama magacyada magaalooyinka iyo tuulooyinka boodh ku qortay iyo waliba inta ay isku jiraan shirkada isgaadhsiinta ee #TELESOM oo aad dadku uga faaiideen wax badan walow boodhadhkoodaasi xataa soo duugoobayaan isla markaana aan ahayn qaar habeenkii muuqda, iyagana waxa aan usoo jeedin lahaa in ay boodhadh intan ka bilic roon oo ilaa habeenkii muuqan kara inoo saameeyaan.

Haddaba waxa aan u soo jeedin lahaa mayorada iyo badhasaabada oo iyagu gobolada maamula in qofku kala garto gobolka uu joogo meesha uu marayo magaceeda oo ay si qurux badan oo farshaxan leh ugu qoraan boodhadh ama taalooyin dhismeyaal ah oo muuqanaya habeen iyo maalinba.

Waxa aan si gaar ah mayorka caasimada ugu soo jeedinayaa mayor magalada marka aad kaantaroolka galbeedka ka soo galayso waxa ku taalla boodh weyn oo ay ku xardhan tahay wasaarada maaliyadda, waa halkii loogu talogalay in ay ku taalo ku soo dhowoow caasimada, xaga airportkana boodhadhka caasimada kuwa ganacsatadu isku xayaysiinayaan baaba ka bilic roon.

Dhinacyada kale ee Helaya, Daloodho iyo wadada Baligubadle iwm iyagu maba laha astaamo lagu garanayo magaalada aad gashay ta ay tahay bilicda magaaladana waa ka qayb iyo quruxdeedaba, markaa intaa iska hagaaji mida kale wasarad boodh dariiq ku sameysataa yey jirin wax ka baxsan xafiisyadooda iyo xarumahooga waaweyn ileyn shirkado ganacsi oo is xayeysiinaya maahee.

Waxa kale oo aan dhamaan idiin soo jeedin lahaa magaalooyinkan noqday wada boodhadhka ee qofwaliba meesha uu doono wax isaga dhejisanayaa magalooyinkii way baabiiyeen waanay fool xumeeyeen qaarkoodna wadooyinkii ayaabay xidheene in iyagana la kala habeeyo oo boodhadhka meelo cayiman loo sameeyo ayaa muhiim ah.

Gudoomiyayaasha degmooyinka ama mayorada magaalooyinka waaweyni waa in ay iska xil saaraan baahiyaha asaasiga ah ee bulshada waxa ay ka qaban karaan iyo bilicda magaalooyinka ay madaxda ka yihiin oo astaamihii magaalo lahayd ay ka muuqataa meelaha laga galayo ee sida Badda, Airporka iyo wadooyinka gaadiidku ka soo galaanba.

Waxa laga yaabaa in dad badani ay la yaabaan ama ay is yidhaahdaan baahiyo ka muhiimsan baa jira, waa run oo way jiraan laakiin bilicdii magaloyinka iyo nadaafadu waa muhiim, waxaana aan intaa ku dari lahaa in geerashyada iyo biroolayaasha meelo banaan loo saaro ama geerashyo waaweyn ay dhexdooda degaan, waayo xaafadaha magaalada hadaad u fiirsato waxa bir iyo baabuur jajabay yaalla ee ay waliba Ey badanina ku hoos dhaqantay tiro maleh.

Muhamed Dhimbiil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here