Taliyihii Cusub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo Maanta Xilka la Wareegay

0
1145

news logo HPMuqdisho,(HargeisaPress) — Taliyihii hore ee ciidamada booliiska Somalia, Jen. C/xakiin Daahir Siciid (Saacid) ayaa maanta xilka wareejiyay, kaddib xaflad lagu qabtay dugsiga tababarka booliiska ee Muqdisho.

Munaasabadda xilka lagula kala wareegy ayaa waxaa ka qayb-galay xubno ka tirsan wasaaradda amniga Qaranka iyo saraakiisha booliiska Soomaaliya, iyadoo uu xilka taliska booliiska Soomaaliya kula wareegay Jen. Maxamed Xasan Ismaaciil oo dhawaan xilkan loo magacaabay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Qaranka, Ibraahim Isaaq Yarow oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in mar haddii xil lagugu wareejinayo ama lagaa wareejinayo aysan macnaheedu ahayd inaadan waxba qaban ee ay tahay arrin wareegto ah oo maamul iyo dowlad kasta ay sidaas u dhaqan-geliyaan.

“Taliyaha cusub ee booliiska Soomaaliya waxaa laga doonayaa inuu isbedel la taaban karo kusoo kordhiyo sugidda amniga dalka, si dhowna aad ula socoto waaxyabaha kala duwan ee booliiska,” ayuu yiri Ibraahim Yarow.

Jen. Saacid oo muddo xilka hayay ayaa isna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in xilka uu ku wareejiyo walaalkiis loosoo magacaabay, isagoo xusay inuusan halkaas uga tagayn shaqadii uu hayay, balse uu caawin doono Jen. Maxamed Sheekh.

Ugu dambeyn, taliyaha cusub ee booliiska ayaa isna sheegay inuu xoogga saari doono sidii ammaanka uu wax uga qaban lahaa, gaar ahaan Muqdisho oo uu sheegay inay ka dhacayeen dhawaanahan falal ammaan-darro oo dhib badan geystay.

Isbedelka talisyadii ciidamada booliiska Somalia iyo kii nabadsugidda ayaa yimid kaddib markii horraantii bishan ay Al-shabaab ay weerar ku qaadday xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here