Taliye Nuux Taani Oo Gaadhay Jiidaha Hore Ee Ay Ku Sugan Yihiin Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

0
2253
Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani PHOTO FILE

Tukaraq,(HargeisaPress)-Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo safar shaqo ku maraya jiidaha hore ciidanka qaranka Somaliland, gaar ahaan degaanka Tukaraq iyo fadhiisimo kala duwan oo muhiim ah.

Ujeedada safarka Taliyaha iyo wafti uu hoggaaminayo oo ka kooban saraakiisha ciidanka qaran oo ku wehelinaaya safarka shaqo ayaa ujeedadiisu tahay kormeeradii caadiga ah ee horeba taliyuhu ugu tegi jiray ciidamadiisa, madaamo sannad cusub bilaamay waxa lagama maarmaan ah in ciidanka kor loo qaado tayadiisa iyo tiradiisaba iyadoo lafulinayo qorshayaasha cusub ee sannadka 2020.

Waxaanu Taliyuhu intii uu ku gudo jiray safarkiisa la kulmay ugu horayn Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe Sugule isagoo Taliyaha warbixin kasiyey xaaladda guud ee gobolka islamarkaana taliyaha ciidankuna ku amaanay shaqada wacan ee ay gobolka ka qabteen.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka qarnka intaa kadib waxa uu kulan laqaatay Taliyaha aaga barri ,Taliyaasha colalka qaybaha iyo gutooyinka kana dhagaystay xaalada amaan ee jiida hore ee tukaraq.

Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland inta kadib wuxuu uga waramay taliyasha colalka xaalada guud ee dalka, waxaanu taliyahu ku amaanay guulihii kala duwanaa ee ciidanka qaranka u soo hooyeen dalka, waxa kale oo ugu bushareeyay in dhawaan madaxwyahaha Jamhuuriyadda Somaliland bixin doono abaal marino isugu jira bilado dahab ah iyo kuwo qalin ah oo la la siin doono dhamaan gutooyinka xubnihii ka mutaystay.

Ugu danbayntii Taliyuhu waxa uu la kulmay odayaasha deegaanka ciidanku ku suganyihiin kuna amaanay sida habsamida leh ee ay ula shaqeeyaan ciidanka qaranka waxaanu u sheegay ciidanka qaranku inuu yahay kalluun bad ku jira baduna ay tahay shacabka. Isla markaana u sheegay amaan la’aan inaan horumar jirayn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here