Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Asluubta Somaliland oo Caawa Ku Geeriyooday Hargeysa

0
2939

Hargeisa (Hargeisa Press)- Taliye ku xigeenkii ciidanka Asluubta Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Cabdiraxmaan Fooxle taliye ku xigeenkii ciidanka Asluubta ayaa ku geeriyooday Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa kadib markii xanuun kusoo booday  loo dhigay cisbitaalka guud oo uu ku geeriyooday caawa.

Sida uu xaqiijiyay Taliyaha ciidanka Asluubta Somaliland Generaal Axmed Cawaale Yuusuf Libaax, isagoona sheegay in galabtaba shaqada ku wada jireen taliyaha geeriyooday.

Generaal Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa wakhti dheer soo ahaa taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Somaliland, isagoona madaxweyne Biixi u magacaabay taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta.

Ale ha u naxariistee Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa mudo dheer ku soo dhex jiray hawlaha ciidamada isagoo door lixaadle ka soo qaatay dib u dhiska ciidanka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here