Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Asluubta Somaliland oo Aas Qaran Maanta Loogu Sameeyay Hargeysa

0
1407

Hargeisa (Hargeisa Press)- Alle ha u naxariiste waxaa Aas qaran maanta loogu sameeyay Xabaalaha Haleeya ee bariga Hargeysa Taliye ku xigeenkii Ciidamadda Asluubta ee Somaliland Marxuum Sareeye guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa.

Alle ha u naxariiste Aaska Maruumka Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) waxaa ka qayb galay madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, Taliyayaasha iyo Taliye ku xigeenada, Saraakiisha, Saraakiil ku xigeenada, Dablayada ciidamada kala duwan ee dalka, Wasiirro, Xildhibaanno, Masuuliyiinta Xisbiyada Qaranka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Dhamaan madaxdii, masuuliyiintii saraakiishii iyo dadkii ay soo wadashaqeeyen marxuum Sareeye guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) waxaa ay ku tilmaameen shaqsi hawl kar ah, daacad ah oo dulqaad lahaa oo qaranka ka baxay, iyagoo xusay in uu marxuumku muddo badan ka soo shaqeeyay dhismaha ciidamada kala duwan isla markaana ahaa sarkaal waayo arag ah.

Taliye ku xigeenkii Ciidamadda asluubta ee Somaliland Marxuum Sareeye guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) masuuliyiintii iyo dadkii Aaskiisa ka qayb galay waxa ay Alle uga baryeen in uu naxariistii janno ka waraabiyo ehelkii, qoyskii, qaraabadii iyo ciidamadii uu ka baxayna Samir iyo imaan saadiqa ka siiyo.

Alle ha u naxariistee Marxuum Sareeye guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) waxaa uu muddo dheer ahaa Taliye ku xigeenkii ciidanka Booliska Somaliland, isagoo muddooyinkii u danbeeyayna ahaa Taliye ku xigeenkii Ciidanka Asluubta ee Somaliland.

Hoos ka daawo muuqaalka aaska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here