Taliyaha Milateriga Somaliland oo Ka Hadley Geerida Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidamada

0
2049

Hargeisa (Hargeisa Press) – Taliyaha Ciidamadda Milateriga Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa ka hadley geerida Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Milateriga.

Gaashaanle Daahir Qaabil Shire oo ka tirsanaa ciidamada Milateriga Somaliland ayaa ku geeriyooda magaalada Boorama.

Taliyaha Ciidamadda Milateriga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, isaga oo ku hadlaya magaciisa, Saraakiisha, Saraakiil ku xigeenadda, Aliflayda, Dableyda iyo Ciidamadda Milateriga Somaliland ayaa waxaa uu tacsi u dirayaa ehelkii, qoyskii iyo qaranka Somalilad ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Gaashaanle sare Daahir Qaabil Shire.

Taliyuhu waxaa Alle uga baryey marxuumka in uu jannadii fardowsa ka waraabiyo ehelkii, qoyskii, qaraabadii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

LEAVE A REPLY