Taliyaha Laanta Socdaalka Oo Beeniyay War Hore Xukumaddu Bulshada Ugu Sheegtay Oo Ku Saabsan Xuduudka Somaliland iyo Jabuuti

0
1095
Hargeysa, (HargeisaPress) — Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland, Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf (Cambaro), ayaa shir jaraa’id oo xafiiskiisa ku qabtay ku sheegay inaanu Xuduudka Somaliland iyo Jabuuti xidhnayn. Hadalka Madaxa socdaalka ayaa khilaafsan hadal hore uga soo baxay Wasaaradda Daakhiliga iyo Badhasaabka Salal.

“Anigoo Socdaalka Somaliland ka madax ah, wax allaale iyo wax xidhan oo Xuduud ahi ma jirto. Wax xagga Jabuuti naga soo gaadhay iyo wax xagga Wasaaradda Daakhiliga naga soo gaadhay midna ma jiro, waxaan Ogahay Xuduuda Somaliland iyo Jabuuti inay furan tahay” ayuu yidhi Taliyaha Socdaalka Somaliland.

Hadalka Taliyaha ayaa imanaya iyadoo Dhawaan Wasiir ku xigeenka Amniga Cali Maxamed Cilmi Oo ka soo laabtay Jabuuti kuna sugnaa Saylac sheegay in Xuduudku xidhan yahay, islamarkaana Jabuuti u xidhatay arrimo amaankeeda la xidhiidha. Waxa uu wasiirku intaas ku daray inay ka wada hadlayaan Jabuuti sii daynta gaadiidka sida Adeegyada Bulshada sida Caanaha, Furinka iyo Khudaarta.

Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf, waxa uu sheegay in Mandaqada Geeska Africa tahay meel aan amaan ahaan deganayn dawlad walbana masuul ka tahay amaankeeda “Waxaan leeyahay Xuduud si rasmi ah u xidhani ma jirto. Somaliland iyo Jabuuti Xuduudeedu way furan tahay, Ciddii sugan ee dan u leh ee Xalaal ahina way gali kartaa waanay ka soo bixi kartaa” ayuu yidhi Taliyuhu.

Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo isna todobaadkan ka hadlay arrinta Xuduudka labada dal ayaa ku dooday inaanu jirin Xuduud xidhan balse amaanka la adkeeyay baadhisna la marinayo dadka.

Waxaa hore walaac uga muujiyay xidhnaanshaha Xuduudka Badhasaabka Gobolka Salal Cabdirisaaq Waaberi Rooble, oo sheegay in dadka degaanku aanay u adkaysan Karin xannibnaanta Xuduudka maadaama ay si toos ah ugu xidhan yihiin Jabuuti.

Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo Xukumaddu ku sheegtay in Xuduudka dib loo furay, iyagoo maalmihii la soo dhaafayna Degmada Saylac iyo Xuduudka ay ku sugnaayeen Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo Xukumadda Somaliland ka tirsan.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here