Taliyaha Cusub ee Booliska oo Shacabka Somaliland ku Booriyey Inay kala Shaqeeyaan Nabadgelyadda

0
705

Hargeysa,(HargeisaPress)-Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa shacbiga Somaliland ku booriyey inay ciidanka Booliska kala shaqeeyaan sugida ammaanka dalka.

Taliyaha cusub  ciidanka Booliska JSL Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale oo maanta u warramay Warbaahinta Dawlada,  ayaa madaxweynaha JSL uga mahad celiyay xilka culus ee uu u igmaday. Waxaanu  sheegay 30-kii sanno ee u dambeeyay inuu xilal kala duwan ka soo qabtay xagga ciidanka, hasa ahaatee kani uu yahay mid ka culus xilalkii hore, waxaanu sheegay inay si wanaagsan u wada shaqeyn doonaan masuuliyiinta ciidanka Booliska oo uu tilmaamay inay iskugu jiraan qaar ay is yaqaaneen iyo kuwo ay is baran doonaanba.

Waxaanu intaa ku daray inaan Nabad gelyadu sugi karaynin ciidanka Booliska oo kali ahi, haddii aanay shacabku la shaqaynin oo aanay hareeraha ka joogsanin, Shacabkana waxa uu ku amaanay sida ay ula shaqeeyaan ciidanka isagoo kula dardaar inay sii xoojiyaan wada shaqeyntooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here