Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Oo ka Hadlay Dad la Xidh-Xidhay, farriinna u diray Darawaliinta Gaadiidka

0
1127
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan

Hargeysa,(HargeisaPress) — Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in dad tira badan lagu xidh-xidhay Hawl galo Ciidanka Boolisku sameeyeen Maalmihii u dambeeyay.

Waxa uu sheegay Taliye Cabdillaahi Fadal in Hawl galo Gobolada dalka ka socda oo lagu sugayo Amaanka lagagana hor tagayo Tuugta iyo Ciyaal is Kooxaysta ay ku qabqabteen dad tira badan kuwaasi  oo sharciga la hor gayn doono.

“ haddaan ka soo qaado saddexdii Cisho ee u dambeysay waxaanu qab-qabanay 120, iskugu jira Dhalin yarada Rabshadaha sameeya ee koox-kooxda isku dila, Tuug Caadaystayaal ah iyo Dad Daraagiska ka ganacsada, kuwaasi oo dhamaantood marka baadhis hufan lagu sameeyo Sharciga la hor gayn doono.” Ayuu yidhi Taliye Cabdillaahi Fadal

Taliye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan waxa uu farriin adag u diray Darawaliinta Gaadiidka iyo Ciidanka Nabad galyada wadooyinka Somaliland “ wadooyinka inta badan Shilal baa ka yimaada. Waxaad arkaysaa Gaadhi Laynkii uu ku jiray ka baxaya oo kuwii kale ee soo socday ka hor tagaya, wadooyinkeenuna way iska yar-yar yihiin. Waxaan halkan Gaadiid layda iyo Darawaliintaba ugu digayaa inay ilaaliyaan Sharciga Wada marista Gaadiidka islamarkaana la shaqeeyaan Ciidanka Nabad galyada Wadoonka oo ay Sharciga Raacaan, halkana waxaan ka farayaa Ciidanka Nabad galyada wadoonka, in Cid kasta oo oo si khaldan ugu xad gudubta Xeerka Nabad galyada wadooyinka talaabo sharciga waafaqsan laga qaado” ayuu yidhi Taliye Cabdillaahi Fadal.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here