Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo Beeniyay Warar Laga Faafiyay Ciidanka, Digniina U Jeediyey Dadka Caadeystay Faafintooda

0
2459

Hargeisa (Hargeisa Press) – Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland S/G Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagalle) ayaa been-abuur ku tilmaamay warar lagu sheegay in ciidanka Booliisku gacanta ku dhigeen rag laga shakiyey iyo hub, isla markaana digniin u jeediyey dadka caadaystay faafintooda.

Warkan lagu sheegay inuu ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa si weyn baraha bulshada u dhexmarayey maanta.

“Ciidamadda ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa 48 saacadood ee la soo dhaafay qabtay 13 qof oo looga shakisanyahay inay maleegayeen weeraro argagixiso oo xidhiidh ah oo lala beegsanaayay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Booliiska ayaa sidoo kale qabtay hub iyo walxaha qarxa, ciidamadda amaanku waxay sidoo kale ku daba jiraan xubno kale oo  loo tuhmayo in falkani ay lug ku lahaayeen.” ayaa lagu yidhi qoraalka lagu faafiyay Baraha Bulshada.

Sidoo kale, Taliyaha Booliiska S/G Maxamed Adan Saqadhi oo u waramay Wargeyska Dowladda ee Dawan ayaa ku tilmaamay wararkan kuwo been ah.

Taliye Dabagale ayaa bulshada uga digay faafinta warar malo-awaal ah oo la xidhiidha Ciidanka.

“Bulshada Somaliland waxaan uga digayaa faafinta warar xaqiiqada ka fog oo la xidhiidha Ciidanka Booliiska, mana jiro tacsi Taliyaha Booliisku diray, isla markaana waxaanan u sheegayaa inaan dhowaan la wadaagi doono bogga rasmiga Ciidanka Booliiska JSL oo shirkada Facebook xaqiijisay.” ayuu yidhi taliye Daba-gale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here