Taliyaha Ciidamada Socdaalka Somaliland oo Gaadhay Magaalada Laascaanood

0
1031

Laascaanood (Hargeisa Press) – Taliyaha ciidamada Socdaalka Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax Xiirane, ayaa waxaa uu gaadhay magaalada laascaanood ee xarrunta gobolka Sool.

Waxaana taliyaha markii uu halkaasi gaadhay ku qaabilay xaruunta dowladda hoose ee degmadda Laascaanood duqa degmadda laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil iyo xoghayaha Fulinta Degmadda Boos Dubad Boos.

Taliyaha ciidamada Socdaalka Somaliland, ayaa qaabilaada kadib waxaa uu oo booqday qayabaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Xafiisyada Degmadda Laascaanood.

Waxaanu ku bogaadiyey Masuuliyiinta degmadda Laascaanood ee uu hormuudka u yahay Maayar Cabdiraxiin Cali, dib u habaynta iyo hufnaanta shaqo ee bulshadda ay u hayaan hoggaanka Degmaddu.

Taliyaha, ayaa ujeedadiisa socdaalka magaalada Laascaanood ay la xidhiidhaa dardar gelinta howlaha shaqo ee ciidamada Socdaalka Laascaanood.

LEAVE A REPLY