Taliyaha Ciidamada Somaliland Oo Bilad Geesiyo Guddoonsiiyey Xubno Kamida Ciidamada Qaranka Ee Deegaanka Yuube

0
716

Ceerigaabo,(HargeisaPress)–Taliyaha Guud ee Ciidamadda qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo Mudooyinkii u danbeeyay Socdaal shaqo ku maray Gobolada Bari ee dalka, ayaa maanta Biladaha Geesinimada gudoonsiiyey Saraakiisha iyo Xubno ka mid ah Ciidamadda qaranka ee ku sugan Fadhiisinka Deegaanka Yube ee Gobolka Sanaag.

Sida uu ku soo waramayo Weriyaha wakaaladda wararka ee SOLNA uga soo warama gobolka Sanaag Maxamed Maxamud Xasan Saraaf waxa uu Taliyuhu Warbixin ka dhagaystay Saraakiisha sare ee Ciidanka qaranka ee deegaanka Yube.

Taliyaha Guud ee Ciidamadda qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa sheegay in Ciidanka qaranku yihiin kuwo hadh iyo habeenba heegan ugu jira sugida amniga qaranka.

Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Ciidamadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Wuxuu u kuur galay xaaladda ciidamadda isaga oo sheegay in billad geesidu ay wax aad u wayn ku soo kordhinayso ciidamadda isla markaana ay ku dhiiri galinayso inay sii xoojiyaan difaacida Qarankooda.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in bilad geesigan uu bixinayaa ay qayb ka tahay Bilado uu Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi ku dhiirigelinayo Ciidamadda kala duwan ee qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here