Taliyaha Ciidamada Milateriga Somalia oo sheegay inay Weerari doonaan Al-shabaab

0
1013

Taliayaha milatariga SoomaaliyaMuqdisho, (HargeisaPress) — Taliayaha milatariga Soomaaliya, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) oo maanta saxaafadda kaula hadlayay Muqdisho ayaa sheegay inay muddo kooban gudaheed Al-shabaab kaga saari doonaan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobollada dalka.

Jen. Indha-qarshe ayaa inay dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab dib loo billaabi doono inta lagu jiro bishan, isagoo xusay in horay hakad loo geliyay balse ay soo gaba-gabeeyeen diyaargarowgooda.

“Waxaan inta lagu jiro bishan billaaban doona dagaallo dalka looga saarayo Al-shabaab, waana kuwo ka xoog badan kuwii hore,” ayuu yiri Jeneraalka oo intaas ku daray in dagaalladaas ay wadajir u geli doonaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale, taliyaha ayaa shirkiisa jaraa’id kusoo hadal-qaaday dhibaatada uu dalka ku hayo dharka ciidamada millatariga oo Al-shabaab ay mararka qaarkood weerarrada ku geystaan, wuxuuna eeddda arrintaas dusha kaga tuuray ganacsatada Soomaaliyeed oo uu sheegay inay direyska ciidamada dalka soo geliyaan.

“Dhawaan waxaan billaabi doonnaa qorshe aan kaga hortagayno in dharka ciidamada ganacsi ahaan dalka loo keeno, iyadoo cid walba oo falkaas ku lug yeelatana la horgeyn doono sharciga,” ayuu yiri taliyaha.

Hadalka taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa imaanaya iyadoo shalay uu ka sheegay dalka Mareykanka madaxweyne, Xasan Sheekh in dowladdu ay dib u billaabi doonto dhawaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ayaa weli ka talisa deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, iyadoo ay jirto in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay Al-shabaab ka qabsadeen deegaanno badan oo ay horay uga talin jirtay.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here