Taliyaha Booliska Somaliland oo Dhul Ku Haysta Dad Shacab Ah

0
1833

Hargeysa (Hargeisa Press) – Taliyaha guud ee Ciidammada Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa lagu eedeeyay inuu Dad Shacab ah ku haysto dhul ku yaalla galbeedka Buurta Kala-jeexnan ee Magaalada Hargeysa.

Taliyaha Booliska, ayaa lagu eedeeyay In isaga oo adeegsanaya xilka Qaranka ee uu hayo, uu doonayo inuu Awood kula wareego dhul ballaadhan oo ku yaalla galbeedka Buurta Kala-jeexan, gaar ahaan agagaarka Xarunta guud ee Warshadda Sharaabka ee loo yaqaao ‘U Fresh’.

Dhulkan oo ay leeyihiin Qoysas badan isla-markaana ay qorshaynayeen inay dhistaan, ayaa Taliyuhu ka hor istaagay inay dhistaan isla-markaana danahooda ku qabsadaan.

Qaar ka mid ah dadka Cabashada ka qaba Taliyaha Booliska oo u waramay Shabakada Hargeisapress, ayaa sheegay in Taliye Daba-gale oo adeegsanaya Nin ay isku deegaan yihiin oo la yidhaa Xuseen Yuusuf Xuseen (Cawke) uu muddo dheer ka hor taagan yahay inay dhulkooda dhistaan, kuna doodayo inuu isagu leeyahay.

Qoysaska leh dhulkan oo dhammaantii Seesan, ayaa Madaxweynaha, Wasiika Arrimaha gudaha iyo Laamaha kale ee Dawladda ee arrintani khusayso u diray baaq ah in laga qabto Taliyaha Booliska.

“Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kale ee Dawladda, waxaanu u sheegaynaa in Taliyaha Boolisku nagu haysto dhulkayagii..” ayuu yidhi mid ka mid ah Muwaadiniinta ka cabanaya Taliyaha Boolisku, waxaanu intaa ku daray “Markaanu is nidhaahno Meeshaa dhisaba, Dabagale wuxuu na dul keenaa Ciidamo Boolis ah, waxaanu dhulkaa uu nagu haysto u adeegsanayaa Nin ay isaga isku deegaan yihiin..” .

Haweenay ka mid ah dadka dhulka lagu haysto ayaa tidhi “Madaxweyne, waxaanu kaa codsanaynaa inaad banaanka naga Mariso Taliyahaaga Booliska ee nagu haysta dhulkayagii aanu sharciga u haysanay ee aan sanadaha badan cashuurtiisa bixinayney..”

Muwaadiniintan, ayaa sheegay inaan Taliyuhu ugu iman dhulka uu ku haysto, balse uu mar walba soo diro Nin ay isku deegaan yihiin, kaasi oo ka shaqaynaya sidii uu Taliyuhu dhulka ula wareegi lahaa, illaa haddana aanay garanayn halka uu Taliyuhu ka keenay qorshaha uu dhulkan ku sheeganayo.

Dhulkan uu taliyaha boolisku ku haysto dadka shacabka ah oo seesan, ayaa ka kooban Tobaneeyo Boloog.

LEAVE A REPLY