Taliska Dowlad Deegaanka: “800 oo Dagaalyahan Ayaanu Ka Dilnay Al-shabaab”

0
629

Jigjiga (Hargeisa Press) – Taliska ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida, ayaa faahfaahin cusub ka bixiyay dagaalladii u dhexeeyay ciidamada Liyuu Booliska iyo Al-Shabaab ee maalmihii la soo dhaafay ka socday deegaanno ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Taliyaha ciidanka gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida General Maxamed Axmed oo markii ugu horreysay warbaahinta macluumaad dheeraad ah ka siiyay dagaalladaasi, ayaa ka warbixiyay inta uu leegyahay khasaaraha rasmiga ah ee ay gaadhsiiyeen Al-Shabaab.

General Maxamed Axmed, ayaa shaaca ka qaaday inay kooxda Al-Shabaab ka dileen illaa 813 xubnood oo ay ku jiraan 24 hoggaamiye, sida uu hadalka u dhigay,

“Khasaaraha gaadhay 813 nin ayaan tirinay meydadkooda, waxaana ku jiray 24 hoggaamiye oo uu hore lacago u dul-dhigay Mareykanka,” ayuu yidhi taliyuhu.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in dhaawaca uu gaadhayo illaa 340, kuwaas oo uu tilmaamay inay ka ogaadeen deegaanadii la geeyay dhaawacyadaasi.

“Illaa 340 dhaawaca meelihii ay geeyeen ayaan xogtooda ka helnay,” ayuu markale yidhi taliyaha ciidanka gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Maxamed Axmed oo sii hadlaya, ayaa sidoo kale ku faanay inay nolosha ku qabteen ku dhowaad 100 xubnood oo ka tirsan xoogagii weerarka ku qaaday dowlad deegaanka

“92 nin oo Al-Shabaab ah oo nool ayaan gacanta ku heynaa,” ayuu sii raaciyay Taliyaha ciidanka gaarka ah ee dowlada deegaanka Soomaalida.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya, iyada oo hore dowladda Itoobiya ay u shaacisay in ay dishay hoggaamiyeyaal sar-sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kadib dagaalladii ka dhacay deegaanada dhaca xadka, balse waxaa goor dambe soo hadlay Fu’aad Shongole iyo Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo ka mid ahaa xubnaha ay sheegatay inay dishay Itoobiya.

LEAVE A REPLY