Taliska Ciidamada Mareykanka oo Ku Xadgudbay Madax-banaanida Somaliland

0
3824

Hargeysa (Hargeisa Press) – Taliyaha Guud ee Ciidamada Wadajirka Mareykanka ee Geeska Afrika, haweenayda Major General Jami C.Shawley, oo booqasho ku timi Somaliland, ayaa ku xadgudubtay isla-markaana meel weyn kaga dhacday qarimada madax-banaanida Somaliland, taasi oo ay si weyn uga cadhoodeen shacabka Somaliland.

Waxa si weyn xiisadda u kiciyay weedho ay ku qortay barteeda Twiter-ka, kaddib booqasho ay ku timi Somaliland toddobaadkan, iyadoo kasoo kicitintay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Djibouti.

“Waxaan dhawaan booqasho aad u wanaagsan ku tagay gobolka Somaliland ee Soomaaliya, halkaas oo aniga iyo kooxdayda aanu qiimaynay awoodda Dekedda Berbera ee mustaqbalka bixinta gargaarka bini’aadantinimo.” Sidaa ayay ku qortay barteeda Twitter, iyadoo ka hadlaysa booqashaeeda  Somaliland ee Dekedda Caalamiga ah ee Berbera.

Haseyeeshee, waxa si weyn uga cadhooday inay Sarkaaladaa oo sidoo kale  ah isku-duwaha iyo sarkaalka siyaasadda ee diiradda saaraya La-dagaalanka argagixisada iyo siyaasadda amniga qaranka Mareykanka ee aagga hawlgallada Afrika weedhaha sidaas ah ay kaga hadashay booqashadeeda,  kas iyo ulakac, ama badheedh  iyo garashadeeda midkay doonto ha ahaatee inay Somaliland ku tilmaanto gobol ka mid ah Soomaaliya kumanaan qof shacbiga Somaliland ah, kuwaas oo jawaabo degdeg ah ka bixiyay weedhaha oo loo arkay kuwo damqay nabaradii hore sababay inay shacbiga Somaliland lasoo noqdaan qaranimadoodii dhawr iyo soddon sannadood ka hor, iyadoo weliba ay in baddan oo shacbiga Somaliland ah xusuusan yihiin doorkii ay dowladda Mareykanka ku lahayd xasuuqiii loo geystay shacbiga sideetanaadkii ee Taliskii Millateriga ee dowladdii Soomaaliya oo xilligaa uu socday Xasuuqu dowladda Mareyanku taageero Millateri iyo saanad ku caawinaysay Taliskii Maxamed Siyaad Bare ee xasuuqa geystay.

Weedhaha ka cadhaysiiyay shacbiga Somaliland, waxa sidoo kale ka cadhooday dadyow kale oo qaarkood yihiin siyaasiyiin iyo khuburo, dublamaasiyiin iyo qorayaal u dhashay Mareykanka, kuwaas oo tilmaamay in aannay habonayn in sarkaal ka socda Mareykanka, derejadaa leh, ay kasoo baxaan ereyo duudsiyaya qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ee qaangaadhay iyo weliba nidaamka dimuqraadiyadeed ee ka jira iyo xasiloonida.

Waxaanay sidoo kale, tilmaameen inaan loo baahnayn weedho xaasaasiyad ku kicinaya shacbiga Somaliland ay kasoo baxaan Saraal sare oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Wadajirka ah ee Geeska Afrika oo xilligan dowladdiisu ku hawlan tahay sidii ay Somaliland u xod-xodan lahayd, oo ay danaynayso  inay saaxiib dhow la noqoto Somaliland, iyadoo ku xisaabtamay Ahmiyadeeda Istiraatiiyadeed, amnigeeda iyo xiloonideeda.

Major General Jami C.Shawley, oo in ka baddan 28 sannadood ka tirsanayd Millateriga Mareykanka, waxay ka mid ahayd kooxdii ugu haraysay ee Haween ah Ciidamada Mareykanka ee diyaaraddaha dagaalka ee qumaatiga u kaca adeegsada, sida lagu sheegay warbixino lagu qoray Boggaga degeladda kaydka ciidamada Mareykanka.

Sidoo kale, waxay xirfad weyn u leedahay arrimaha Millateriga, iyadoo kasoo shaqaysay dalalka, Ciraaq, Afganistan, Bariga dhexe iyo kuwo kale, sida Puerto Rico. Major General Jami C.Shawley, ayaa soo qabatay xilal kala duwan, iyadoo mar hoggaamisay hawlgalada duulimaadyada ee Maraykanka, Pacific iyo Bariga Dhexe.

Sidoo kale, waxay mar ahayd, Taliyaha Qaybta Diyaargarowga 81aad ee ku taal Fort Jackson ee Columbia, South Carolina, iyo Taliyaha Sare ee Fort Buchanan, Puerto Rico, waxayna ka qalin jabiyay Akademiyada Milateriga ee Mareykanka ee West Point 1992.

Major General Jami, ayaa xilligan ah Taliyaha guud ee siyaasadda diiradda lagu saarayo La-dagaalanka argagixisada iyo siyaasadda amniga qaranka Mareykanka ee aagga hawlgallada Afrika ee taliskoodu yahay Djibouti.

Wa booqashadii labaad ee saraalka u sareeya Taliska Ciidamada Mareykanka ee Djibouti ku yimaado Jamhuuriyadda Somaliland, balse sidan oo kale, Taliyihii hore General Stephen Townsend, oo ahaa Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika, oo uu weheliyo Larry E. André, Jr., Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaddib booqasho ay ku yimaadeen  Somaliland, 12  April, 2022.

Laakiin waxa sidan oo kale booqashadiisa kaddib war-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM. Ka cadhaysiiyay shabiga Somaliland, kaddib markii uu Somaliland ku tilmaamay gobol ka mid ah Soomaaliya.

Si kastaba, waa markii labaad ee madaxda Taliska Mareykanka ee fadhigoodu yahay Djibouti ka cadhaysiiyaan shacbiga Somaliland, iyagoo adeegsanaya weedho xaqiraad iyo duudsi ku ah qaranimadooda iyo jiritaankooda loo adeegsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here