Taliban oo Qabsatay Saddex Magaalo oo Muhiim Ah

0
808

Kapul (Hargeisa Press) – Taliban, ayaa xoojisay gacan ku haynteeda waqooyiga Afghanistan, iyada oo saddex caasimad goboleed qabsatay Axaddii, xilli ay dagaalkeeda u weecisay magaalooyinka kadib markii ay bilihii dhowaa soo qabsatay inta badan baadiyaha.

Kooxdan, ayaa qabsatay shan caasimad goboleed tan iyo Jimcihii, iyada oo wadday weeraro culus oo ciidamada dowladda ay u taag waayeen.

Dagaalka, ayaa sii xoogeysanayay wixii ka dambeeyay bishii May, markii ciidamada ajnabiga ay billaabeen wejigii ugu dambeeyey ka bixitaankooda dalka, oo la filayo in la soo geba-gebeeyo bishan.

Caasimad goboleedyada kala ah Kunduz, Sar-e-Pul iyo Taloqan oo ku yaalla waqooyiga dalkaas, ayaa saacado gudahood waxay dhammaantood Axaddii ugu gacan galeen Taliban, sida ay xaqiijiyeen sharc-dejiyayaal, ilo-waeedyo amni iyo dadka deegaanka.

Kunduz, oo ah caasimadda gobolka Kunduz, ayaa ah magaalada ugu muhiimsan ee u gacan gasha Taliban tan iyo markii ay weerarka billaabeen bishii May.

Wasaaradda Difaaca Afghanistan, ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay weli dagaalka wadaan si ay dib ugu qabsadaan goobaha muhiimka ah ee magaalada.

Afhayeen u hadlay wasaaradda Mirwais Stanikzai, ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo xoojin ah oo ay ku jiraan ciidamada sida gaarka ah u tababaran loo diray magaalooyinka Sar-e-Pul iyo Sheberghan.

Awoodda xukuumadda Kabul ay kusii haysan karto waqooyiga dalka, ayaa loo arkaa inay muhiim u tahay bad-baadadeeda, sababtoo ah waqooyiga ayaa muddo lagu yaqaan in Taliban ayna ku laheyn taageero badan.

Safiirkii hore ee Mareykanka ee Afghanistan Ryan Crocker, ayaa sheegay in dagaal sokeeye oo daba dheeraada uu natiijadiisa noqon doono in Taliban ay la wareegto gacan ku haynta gebi ahaan dalka.

AFP

LEAVE A REPLY