Talaalka Ka Hortaga Dabaysha oo Laga Daah-furay Buuhoodle

0
505

Buuhoodle (Hargeisa Press)- Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta magaaladda Buuhoodle ka daah-furtay talaalka ka hor taga xanuunka Dabaysha.

Waxaana talaalkaasi daah-furay isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Buuhoodle Dr. C/raxmaan, iyo madaxa talaallka ee degmada Buhoodle Dr’s. Faysa Maxamud Xaaji Dayib, iyo madaxa wacyigalinta degmada Buuhoodle marwo Millgo.

Waxaanay masuuliyiintaasi si qoto dheer uga warameen faa’iidada uu talaalku bulshada u leeyhay iyo mudada uu soconayo oo ah afar maalmood.

Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa deddaal ugu jirta horumarinta adeegyadda caafimaadka ee dalka gaar ahaana goboloa Buuhoodle.

LEAVE A REPLY