Taiwan oo Somaliland Ugu Deeqday Agab Caafimaad

0
1444

Hargeisa (Hargeisa Press) – Tan iyo markii ay heshiiska saaxiibtinimo wada gaadheen jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Taiwan waxaa jiray mashaariic fara badan oo horumarineed oo ay dawladda Taiwan ka fulisay Somaliland.

Mashaariicdaasi oo ku tacaluqa dhinacyo badan waxaa ka mida mashruuc la doonayo in lagu horumariyo qaybaha kala gedisan ee adeegyadda caafimaadka ee ay bixiyaan cubsitaaladda dawliga ah ee Somaliland.

Waxaana mashaariicdaasi ka mid mashruuc lagu horumarinayo adeeg bixinta xarumaha caafimaadka  ee Somaliland gaar ahaana Hooyadda iyo Dhallaanka.

Sidoo kale waxaa mashruucaasi qayb ka ah mid la doonayo in lagu tayeeyo adeegyadda cusbitaalladda dawliga ah ee Somaliland, isla markaana lagu xidho cusbitaalladda dalka Tawian.

Si ay Somaliland uga faa’iidaysato cusbitaaladda Taiwan wixii khibrad iyo aqoon ah, isla markaana marka uu muddo socdo xidhiidhkaasi uu u noqdo mid keenno in Somaliland ay isku filaansho ka gaadho dhinaca aqoonta iyo xirfadda ee caafimaadka.

Sida uu sheegay wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Cumar Cali C/laahi, oo hadal ka jeediyay munaasibad ay maanta  qalab caafimaad kagala wareegayeen dawladda Taiwan.

Qalabkaasi caafimaad ayaa loogu tallo galay xakamaynta xanuunka Coronavirus oo  muddooyinka danbe si weyn dunidda ugu soo laba-kacleeyay.

Waxaana qalabkaasi caafimaad wasaaradda caafimaadka ee Somaliland soo gaadhsiisay safaaradda ay dawladda Taiwan ku leedahay magaaladda Hargeysa.

Wasiirka caafimaadka Somaliland Cumar Cali C/laahi, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi,  “Tan iyo markii ay heshiiska saaxiibtinimo wada yeesheen Somaliland iyo Taiwan, wasaaradda caafimaadka Somaliland waxay ka heshay Taiwan qalab caafimaad oo tiro badan.

Waxaanu ka helnay tallo farsamo oo la xidhiidha xanuunka Coronavirus, iyo si guud ba sidii nidaamka caafimaadka ee Somaliland loo casriyayn lahaa”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Waxa kaloo hadda noo bilaabmaya mashruuc lagu horumarinayo adeeg bixinta xarumaha caafimaadka, gaar ahaana Hooyadda iyo Dhallaanka, iyo sidoo kale in la tayeeyo cusbitaalladda qaranka, oo lagu xidho cusbitaalladda Tawian.

Si aanu u noqonin uun xidhiidhkeenu mid ku salaysan in ay na siiyaan qalab iyo daawo. Laakiin, uu u noqdo xidhiidh marka uu muddo socda keenna isku filaansho, oo aqoontii iyo xrifadiiba aynu inagu yeelano.

Arrintaasi ayaanu aad iyo aad u aaminsan nahay in ay tahay nidaamka keliya ee wada sahqayneed iyo xidhiidh ee ka dhaxayn karra laba dawladood” ayuu yidhi wasiirku.

Geesta kale wasiir Cumar Cali C/laahi, ayaa dawladda Taiwan  uga mahad celiyay qalabkan caafimaad ee ay soo gaadhsiiyeen, kaasoo uu sheegay in aanu ahayn markii u horaysay oo ay Taiwan soo gaadhsiiso.

Balse ay marar badan ooh ore qalabyo kala duwan oo caafimaad dawladda Taiwan soo gaadhsiisay Somaliland.

“Waxaan fursadan uga faa’iidaysanayaa in aan uga mahad celiyo dawladda Taiwan iyo shacabkeedaba caawimadan ay na soo gaadhsiiyeen, oo mello kale oo  Somaliland ah ka wadda mashaariic” ayuu yidhi wasiirka caafimaadka Somaliland.

Dhinaca kale wasiirka waxaa munaasibadii ay qalabka kula wareegayeen ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, iyo masuuliyiin ka socday safaaradda dawladda Taiwan ee magaaladda Hargaysa.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY