Taiwan oo Somaliland Ka Taageeraysa Caafimaadka Casriga Ah

0
2061

Taipei (Hargeisa Press) — Dowladdaha Somaliland iyo Taiwan ayaa wada qorshe lagu midaynaayo Caasimadaha labada dal ee Hargeysa iyo Taipei.

Danjiraha Somaliland u jooga dalka Taiwan, Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa waxaa uu kulan la qaatay Duqa (Mayor) Magaalo Madaxda Taipei, Dr Ko Wen-je.

Waxaanay Labada dhinac ka wada hadleen sidii Dowladdaha Hoose ee Hargeysa iyo Taipei ay u wada shaqayn lahaayeen mustaqbalka dhow, kaasi oo kor u sii qaadaya xidhiidh Saaxiibtnimo ee ka dhexeeya labada Dowladdood.

Dhinaca kale, Safiirka Somaliland ee dalka Taiwan, Amb Maxamed Xaaji Maxamuud iyo Madaxa Cisbitaaalka Taipei Medical University Hospital Dr. Jeng Fong Chiou (Superintendent), Dr. Po-Li Wei (Vice superintendent) iyo Prof. Chia-Kwung Fan ayaa ka wadahadlay sidii Somaliland iyo Taiwan ay uga wada shaqayn lahaayeen dhismaha nidaamka cusub oo caafimaad oo casri ah oo ay yeelan doonto Somaliland mustaqbalka dhow.

Kulanka ayaa waxa safiirka Somaliland ee Taiwan dhankiisa ku wehelinayey qaarka mid ah Madaxda Safaaradda Somaliland.

Mashruucan waxa ka wada shaqayn doona labada dowladdood iyo labada Cisbitaal ee Hargeysa Group Hospital iyo Taipei Medical Hospital.

LEAVE A REPLY