Taiwan Oo Sheegtay Inay Sii Xoojinayaan Cilaaqaadka Somaliland

0
436

Hargaysa (HP): Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Taiwan, Mr. Joseph Wu, ayaa sheegay in dawladiisu sii wadayso xoojinta cilaaqaadka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya jamhuuriyadda Somaliland.
Joseph, waxa uu tilmaamay inay jamhuuriyadda Somaliland wax kala qabanayaan arrimaha horumarinta mashaariicda horumarinta iyo maalgelinta Kalluumaysiga iyo Macdanta.
Sidaasina waxaa baahiyay Idaacadda Caalamiga ee Taiwan, iyadoona wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taiwan, uu xusay in dalkiisa iyo Somaliland ay wadaagaan dimoqraadiyadda iyo marxaladaha siyaasiga ah.

Wasiirka khaarajiga Taiwan, Mr. Joseph Wu, waxa kaloo uu intaas ku daray inay Somaliland iyo Taiwan ka wada shaqeynayaan sidii loo horumarin lahaa ilaalinta iyo xeebaha Somaliland si loo xakameeyo halista budhcad baddeeda ka jirta xeebaha Geeska Afrika.
Geesta kalena, Mr. Joseph Wu, waxa uu sheegay in dalkiisu ay ka go’an tahay inuu xidhiidh adag la yeesho dalalka gobolka Baasifiga si dalalka ku jira urur goboleedkaas u yeeshaan iskaashi wax wada qabsi.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here