Taiwan oo Isbeddel Ku Sameysay Baasaboorkeeda

0
1448

Hargeisa (Hargeisa Press)- Dowladda Taiwan ayaa ku dhawaaqday inay isbeddello ku sameysay baasaboorkeeda, iyadoo erayga “Taiwan” ka dhigtay mid weyn halka ay yareysay “Jamhuuriyadda Shiinaha”.

Waxay dowladdu sheegtay in isbeddelkan looga gol leeyahay inaan la isku khaldin dadkeeda iyo muwaaddiniinta Shiinaha.

Shiinaha ayaa Jasiiraddan u arka inay tahay gobol iyada ka tirsan.

Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegtay in tani ayna beddeleyn in Taiwan ay tahay “Qeyb aan go`i karin oo ka tirsan Shiinaha”.

Taiwan ayaa baasaboorka cusub ku soo bandhigtay xaflad la qabtay shalay.

“Tan iyo intii uu dillaacay xanuunka safmarka ah ee Coronavirus, dadkeennu waxay rajo ka qabeen sidii aan u muujin lahayn Taiwan, si looga fogaado inay dadku si khaldan ugu fekeraan inay ka soo jeedaan Shiinaha”, ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan Joseph Wu.

Iyadoo dalalku ay soo rogeen xayiraad dhanka socdaalka ah si loola dagaallamo xanuunka Coronavirus, ayaa waxay sidoo kale xayiraad ku soo rogeen dadka ka imanaya Taiwan sida inay ka imanayaan Shiinaha, ayay dowladdu tidhi.

Faafitaanka Covid-19 ayaa soo caan bixiyay muranka ka taagan Taiwan.

Inkastoo ay ammaan caalami ah ku muteysatay sida ay wax uga qabatay xanuunka, haddana xubin kama aha Hay`adda Caafimaadka Adduunka (WHO). Shiinaha uma aanu oggolaan inay ka qeyb gasho shirarka WHO tan iyo sanadkii 2016.

Taiwan ayaa is maamuleysay tan iyo sanadkii 1949, markaas oo dowladda dhulweynaha Shiinaha ay u qaxday jasiiraddaas kaddib markii uu ka guuleystay Xisbiga Shuuciga intii uu socday dagaalkii sokeeye ee Shiinaha. Waxay leedahay dowlad si dimuqraaddi ah loo soo doortay, ciidan u gaar ah iyo lacag u gaar ah.

Balse marka la eego siyaasadda Halka Shiinaha, dowladda Beijing ayaa ku adkeysaneysa inay tahay hoggaamiyaha Taiwan. Waxay sheegtay in mar kale ay maalin uun hoos imaan doonto hoggaankeeda – si qasab ah haddii loo baahdo.

Dalal yar ayaa si diblomaasiyadeed u aqoonsan Taiwan inay tahay dal madax bannaan, Shiinaha ayaana arrintaasi cadho ka muujiyay.

LEAVE A REPLY