TACSI TIIRAYO LEH: Marxuum Abdirahman kuuriya oo Maanta Lagu Aasay Gabiley

0
1360
Allah Ha ku Naxariisto Abdirahman Xuseen

HargeisaPress — Maamulka, Hawlwadeenada iyo Wariyeyaasha Shabakadda HargeisaPress.com oo kala ah Tafaftiraha Guud ee HargeisaPress. Shiine Cilmi Kaahin,  Cumar Sheekh, Mohamed Cabdiraxmaan Yaasiin (Mohamed Carab), Mahad Kadleye, Abdirakiin Mustafe Cali, Xuseen Maxamuud Maygag,Sabaax Cabdi Aadan, Guled Iman Muxumed, Faysal Maxmaed Cumar, Cabdikariim Qoorgaab.Abdikareem Mahamed Aw Aadan Iyo Jamac Axmed Jamac, Samiir Xasan Cabdi. Dhamaan dadkaasi waxay Tacsi Tiiraanyo Leh u Diraya Rabi Naxariistii jano Haka Waraabiye Marxuum Abdirahman Hussein Abdilahi (Abdirahman kuuriya) oo saaka ku geeriyooyada Hargeysa isla maantana Lagu Aasey Magaalada Gabiley, Waxanay si Gaara uga Tacsiyadeynaya Ehelkii iyo Qarabadii uu Ka Baxay Marxuumku In Alle Ka Siiyo Samir iyo Iimaan…. . Aamiin….Aamiin

 Inaa Lillaah Wa Inaa Illayhi Raajicuun.

Ax waan ka naxay geerida cabdiraxmaan xuseen cabdilaahi meecaad oo ku magac dheeraa kuuriya ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo waxuu ahaa shaqsi dabci fiican dad la dhaqan leh xarago badan waxaan aqaanay tan iyo dugsigii qalax oo aanu isku soo gaadhnay wallow uu aad iiga hooseeyay iyo markuu macalinimada bilaabayay oo aanu wax badan sheekaysanay waxaan ku ogaa isagoo macalin ah inkastoo muddo badan aanaan is arag cabdiraxmaan kuuriya alla ha u naxariisto qoyskii iyo qaraabadiisana samir iyo iimaan saadaq ah ha ka siiyo waxuu ku geeriyooday hargaysa maantana gabiley ayaa lagu aasayaa.
Waxuu ahaa dun xariir ah

Ilaahay ha u naxariisto walal qaaliya ABDIRAHMAN HUSSEIN ABDILAHI (KOREA) oo saaka ku geeriyooday HARGEISA Laguna aasay GABILEY waxaan tacsi u dirayaa qoyskii,qaraabadii,xaaskiisii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday ilaahay samir iyo iimaan haka siiyo isagana ilaahay janatul fardowsa haka waraabiyo qabriga ha u nuuriyo su,aashana ha u fudaydiyo..

INAA LILAAH WA INA ILAYHI RAAJICUUN : waxaan halkan katacsiyadaynayaa dhamaan reer xuseen c.laahi oo uu kageeriyooday walaalkood anagana walaalkayo oo aanu classmate ahayn. C.raxmaan xuseen c.laahi naxariisdii jano alahakawaraabiyo aamiin

Inaalilaah wa innaa ilayhi raajicuun geeridu waa xaq Ilaahay ha u naxariistii walaalkeen CABDIRAXMAAN XUSEEN CABDILLAAHI (KUURIYA) oo ku geeriyooday Hargeisa. Waxaan ka tacsiyeynayaa dhammaan qoyskii iyo qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku.
Waxaan Allah ka baryeynaa inuu jannadii fardawda ka waraabiyo.
Allaahumma Amiin… Amiin

inaali laahi wainaa ilehi raajucun kulinafsi daawatul mawd alle haw naxarisgo Zxb kay ig u qaliga ahaa c Raxman kuria samir iyo ìimaan sadiqana alle hakasiiyi ehelkii iyoqarabdiba
aaaamiiiiin

..

Dahabo Kaahin

Allah Ha ku Naxariisto Abdirahman Xuseen, Qabrigana Haku Nuuro.

Xanuun Badan Argagax iyo Naxdin bay igu noqotay kadib markii la iisoo sheegay geerida sxbkay marna walaalkay Abdiraxmaan Hussein Abdillahi Korea Hadalkale qori karimaayo lakiin waxaan asxaabta leeyahay waar bahashu digniin malahee wadada toosan iyo masaajidka hala ogaado maadaama abdiraxmaanoo shalay inala qoslayay maanta aan god kusii wadno adna sidii aad kuxigto aakhiro ugu shaqayso.

INAALILAAH WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

Ilaahay ha u naxariisto Cabdiraxmaan Xuseen Cabdilaahi Kuuriya oo saaka ku geeriyooday magaalada hargeysa Walaahi waa geeri aad ii damaqday

Cabdirahman Xuseen cabdilahi meecad Allaha u naxariisto oo hada la soo sheegayii inuu geeriyoodayii waxa leeyahay Samir iyo imaan dhamaan ehelkii ka baxayii waa geeri muruugo leh balse ilaahayii waxa uga baryna janatul fardawsa isagoo lagu Asii doono Magalada gabilay.

inalilaahi wa ina ilaahu rajiciin ilahay naxariistii jano kawaraabiyo sxb kay Abdiraman Kuuriya oo maanta Gabiley lagu aasay. Alle janatu Fardawsa ha ka waraabiyo. Qoyskii, Qaraabadii iyo Asaxaabtii uu ka baxayna Alle SW ha inaga wada siiyo samir iyo iimaan saadiqa. Aamiin Aamiin

LEAVE A REPLY