TACSI: Mid Ka Mid Ah Tiirarkii Dhalinyarada Somaliland Oo Geeriyooday

0
1415
Marxuum Mohamoud Ahmed muhumed (Mohamoud Fanah)

Innaa lillaahi wa Innaa Illaahi Raajicuun. ilahay ha u naxariisto

Mohamoud Ahmed muhumed (Mohamoud Fanah) waxaa uu ka mid ahaa dhalinyaradda somaliland ee aqoon ahaan iyo akhlaaq ahanbaa ku dayashada mudnaa waxaanu wakhtigisaa inta ugu badaan uu galiyay wax barasho isago waxbarashadisa ila her jamacadeed ku dhamastay dalka gudihiisa waxanu markii danbe master tisii dhaqaalah iyo mamulka ku soo dhamaystay dalka Yugaandha waxaanu barnamijyo iyo qoraalo badan ka samayay sidii dhaqaalaha dalka kor logu qadi lahaa iyo dhibatadaa dhaqalo xumo ee dalka ka jirtaa 2010 oo uu wasaradaa warfafiinta gar ahaan tvga Qaranka Somaliland uu yimi wuxuu soo sare iyo tabiya ka aha baaarnamijkii kadis oo ahaa barnamij aqoneed inta badan waxaa uu wakhtigisaa ku qatay mar uu wax baranayay iyo mar uu dadka waxbarayo waxanu oo ahaa Bare ka tirsan Barayaasha Jaamacada New Generation University

Mohamoud waxuu ahaa mid ka mida Macalimiinta ugu firfircoon bahda new generation oo uu ilaa hada shaqo ka wadey waxaana muddadii uu Jaamacada joogay ahaa shaqsi muujiyey isbaddal balaaran

Illaahay ha unaxariistee Maxamuud waxuu ahaa aqoonyahan dabeecad wanaagsan, ehlu diin ah aadna ugu heelanaa inuu qayb weyn ka qaato guud ahaan horumarka dalka.

Rabbi naxariistii jano ha geeyee Marxuumku waxuu ahaa shakhsi aan laga maarmin.

Illaahoow kuu naxariiso samir iyo imaan dhamaan ehelkii,qarabadii iyo asxaabti uu ka baxay

BY:Cabdirisaaq Cismaan Maxamed

15/2/2019 Jimce

……………………………………………………………………………

Geesta kale waxa Tacsi u diraya Dhamaan Maamulka, Hawlwadeenada iyo Wariyeyaasha Shabakadda HargeisaPress.com oo kala ah Shiine Cilmi Kaahin, Cumar Sheekh, Mohamed Cabdiraxmaan Yaasiin (Mohamed Carab), Mahad Kadleye, Abdirakiin Mustafe Cali, Xuseen Maxamuud Maygag. Sabaax Cabdi Aadan, Guled Iman Muxumed, Faysal Maxmaed Cumar, Cabdikariim Qoorgaab.Abdikareem Mahamed Aw Aadan Iyo Jamac Axmed Jamac, Samiir Xasan Cabdi. Dhamaan dadkasi  marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here